Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee maalmihii tegay ku sugnaa deegaanka Kala-beyr oo halkaas isaga guuray

Cabirka Farta

Jimco, 13, Febaraayo, 2009 (HOL): Ciidamadii Itoobiya ee Todobaadyadii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan ayaa maanta isaga guuray, sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Odayaasha deegaanka Jawiil C/llaahi Cabdi Cariig.
 
Ciidamada ka hor inta aysan guurin waxaa ay sii daayeen dhamaan gaadiid ay lahaayeen dad rayid ah oo ay qafaasheen intii ay joogeen Deegaanka Kala-beyr kuwaas oo sida wararku sheegayaan ay u adeegsanayaan in ay ku daabulaan agabkii halkaas u yiilay.
 
Sidoo kale waxaa halkaas isaga tegay Ciidamo ka tirsanaa kuwii Maamulkii hore ee Gobollka Hiiraan oo ka hor inta aysan halkaas soo galin Ciidamada Itoobiya ku lahaa baro Koontarool, mar marka qaarna iska hor imaad uu ku dhexmari jiray iyaga iyo waliba kuwa Maamulka Islaamiga ah ee Gobollka.
 
Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Deegaanka Kala-beyr ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka deegaanka oo baqdin xoog leh mar walba ka qabay in uu dhaco dagaal dhexmara Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan oo Saraakiil ka tirsan dhowr jeer oo hore ku hanjabeen in ay weerari doonaan Ciidamada Itoobiya haddii aysan ka bixin Goballka Hiiraan.
 
Laakiin ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobollka oo ku aadan war ku saabsan in ay isaga tageen deegaanka Kala-beyr Ciidamadii Itoobiyaanka ee halkaas soo galay dhowr Todobaad ka hor.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia