
Jimco, February 13, 2009(HOL): Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka K/Afrika ayaa ka dhacday Hoolka Xafladaha lagu qabto ee magaaladda Johannesburg, waxaana ka soo qeyb galay Xafladan dhamaan qeybaha kala gadisan ee bulshada ee ku dhaqan wadanka K/Afrika.
Xafladdan ayaa ugu horreyn lagu furay ayaadaha Quraan kariimka kadib quraankii ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay mikrofoonka mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaalidda ee ku dhaqan magaladda Johannesburg. aqoonyahankan ayaa ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay Madaxweyneha Soomaaliya isagoo sheegay inuu yahay nin maanta xaaladda cakiran ee Soomaaliya ka jirta wax ka bedeli karro, wuxuuna ku tilmaamay nin dhaliinyaro ah oo xilka loo doortay ka soo bixii kara.

Sidoo Kala Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay marti sharaf kala duwan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee dalkani K/Africa oo ay ka mid ahaayeen Police-ka iyo Saraakiil sar sare oo tirsan dalkani iyo Warbaahinta qeybeeheeda kala duwan, sidoo kale waxaa ka soo qey-bgalay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya dalkani. waxayna dhamaan ka hadleen madaxdan, wanaagga ay leedahay dowladnimada iyo dhibaatadda colaad laga dhaxlo taas oo dhamaantood isku raaceen inay Soomaaliya uu baahan tahay maanta waqtigii qaliinka iyo buugga lagu hoggaamin lahaa lagana bixii lahaa jahliga, colaadda iyo waliba qabiilka daashaday.
Xafladdan ayaa waxaa kadlay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadii ka soo qeyb gashay oo ay kamid ahaayeen saxafiyiin abwaanno iyo dhalinyaro ka mid ah Jaliyadda Soomaliyeed ee K/Afrika. waxaana qadka telefoonka dadka Xafladdan ka soo qeyb-galay kula soo xiriiray Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ka hadlay arrimo baddan ooaay ka mid ahaayeen dhibaatada lagu hayo Jaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan K/Africa waxayna intaas ku dareen sheegay in ay arrintaas xoogga saari doonaan sidii xal loogu heli lahaa.
Xafladan ayaa ku soo gaba-gabooday jawi laga dheehan karay rayn-rayn. Iyadoo ay goobta xafladda ka dhacaysay si aad ah loo qurxiyay, waxayna dhammaan dadweynihii ka soo qeyb-galay saadaalinayeen dowladdan inay noqon doonto middii bulshada Soomaaliyeed u horseedi lahayd nabad kana reebi lahayd wixii xumaan ahaa ee horay u soo maxay dadka Soomaaliyeed, waxayna ku dhawaqaayeen halku dhiigyo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.







Saciid Xerow iyo Xasan Yeey, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]
Johannesburg,South-Africa