Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la filayo in loo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, February 13, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa sheegaya in maanta gelinta dambe uu madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ku dhawaaqi doono Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddiisa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweynaha uu Ra’iisal Wasaarenimada u soo xushay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma-arke, kaasi oo lagu magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Cumar C/rashiid oo wax ku bartay dalka Mareykanka, waxaa uu la shaqeeyay Hay’ado hoos-yimaada Qaramada Midoobay, wuxuuna xilkan ku helayaa qaab qeybsiga Afar Beelood iyo Bar (4.5) ee salka u ah Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya. Cumar C/rashiid wuxuu ka soo jeedaa Beesha Daarood, halka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankana ay ka soo kala jeedaan Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa marka la soo magacaabo wuxuu isna soo dhisi doonaan Xukuumad karti leh oo iyadana ku imaan doonta qaabka 4.5 bacdamaa Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 550 Mudane lagu soo xulay qaabkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia