Maxaa ka jira in Qalab Ciidan oo ka degaya Dekedda Muqdisho uu u socdo Ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Cabirka Farta

Jimco, February 13, 2009(HOL): Warar kala duwan ayaa ilaa shalay waxay ka soo baxayeen markab ku xiran Dekedda Muqdisho, kaasi oo la shegay in uu wado qalab Ciidan. Wararkii ugu horeeyay ee soo baxay waxay sheegayeen in uu markabkaas qalab ciidan u wado Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan iyo kuwo ku soo biiri doona.

Laakin Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal oo wax laga weydiiyay markabkaas iyo waxa uu wado ayaa sheegay in Markabkaas uu qalab Ciidan u wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Qalabka uu wado Markabkaas waxaa uu isugu jiraa Labis iyo Gaadiid loogu deeqday Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, waxna kama jiraan wararka sheegaya in qalabkaas uu u socdo Ciidamada Amisom”ayuu yiri Col. Dhuumaal.

Col. Dhuumaal waxaa uu intaas ku daray in qalabkaas ay Qaramada Midoobay u deeqday Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in si deg deg ah loogu howlgelin doono Ciidamada Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Col. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal waxaa uu ka hadlay madaafiic hoobiyayaal ahoo shalay lagu garaacay dekedda Muqdisho, wuxuuna sheegay in aaney Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amiom aysan wax jawaab ah ka bixin madaafiicdaas oo uu sheegay in laga soo tuurayay nawaaxiga Shineemo Xamar Jadiid, “Annaga oo og halka madaafiicdaas laga soo tuurayay ayaan iska deynay in aan ka jawaabno, waayo waxaa dhibaato soo gaareysaa dad dhawaanahan ku soo noqonayay guryahooda oo ku yaala xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Col. Dhuumaal oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay iska qabtaan dadka dushooda madaafiicda ka tuuraya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia