Maamulka Gobolka Mudug oo sheegay in loo baahan yahay gargaar lala soo gaaro dadka soo barakacay ee ku sugan Gobolkaasi

Cabirka Farta

Jimco, February 13, 2009(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Mudug C/nuur Diiriye Geesey oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xaalado nafaqo darro ah oo baahsan ay ka jiraan meelo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isagoo xusay in loo baahan yahay gar gaar dag dag ah oo lala soo gaaro dadka ku jira xeryaha dadka soo barakacay.
 
C/nuur Diiriye Geeseey ayaa intaasi ku daray in hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen dawrkii ay ku lahaayeen wax ka qabashada arimaha dadka soo barakacay, wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha in ay dadkaas u gurmadaan.
 
"Lama oran karo wax bey qabteen hay’adaha samafalka ee Gobolkan sababtoo ah waxaa dhacda in ay dadka qaar ay waayeen wixii ay cuni lahaayen "ayuu yiri Guddoomiyaah oo sheegay in haatan kadib looga fadhiyo hay’adaha in ay wax u qabtaan dadka tabaaleysan.

Guddoomiyaha oo wax la waydiiyay cidda damaanad qaadaysa ammaanka hay’adaha oo dhawr jeer oo hore loo hanjabay ayaa sheegay in la diyaarin doono ciidamo gaar ah oo suga ammaanka hay’adaha ka hawlgala qaybaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa wuxuu yahay mid ugu horeeyay, wuxuuna baaqiisan ku soo beegmayaa iyadoo maamulka cusub ee Puntland uu la soo baxay dardar ku saabsan in uu wax u qabto Dadka ku dhaqan Deegaannada Puntland.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia