Dagaal ka dhacay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay

Cabirka Farta

Jimco, September 05, 2008(HOL): Meel labo 2km Dhanka Galbeed kaga toosan Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xoogag ka amar qaata Maxkmadaha Islaamka.

Dagaalkan oo ahaa mid la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ay jidka u galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tegay Magaalada Baydhabo, isla markaana ku sii jeeday dhinaca Gobolka Gedo.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay dagaalkaas Ciidamada Itoobiyaanka uga dileen 40 Askari oo saarnaa Gaari Ural ah, halka uu xusay in ay dhinacooda soo gaartay dhimashada labo dagaalyahan.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay suurtagal tahay in ay dhacaan dagaallo kale oo dhexmara Ciidamada Itoobiyaanka oo weli fadhiya halkii uu dagaalka ku qabsaday iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo iyana ku sugan meel aan u dheereyn halka ay Ciidamada Itoobiyaanka joogaan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu duleedka Degmada Berdaale ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Itoobiya lagu soo tababaray iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray Dad Rayid ah oo ku sugnaa halka uu dagaalka ka dhacay. Ugu dambeyntiina Degmada Berdaale oo 55km u jirta Magaalada Baydhabo kuma cusba dagaal ka dhaca, waxaana horay uga dhacay dagaallo khasaare geystay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia