Jimco, September 05, 2008(HOL): “Markaanu Dooxa dhexdiisa marayno ayuu Gaadhigu dhinacnaba u dhaqaaqi waayay oo uu istaagay. Daadkiibaa bilaabay inuu Baskii dhaq-dhaqaajiyo, dabadeed dhinacii ay Biyaha Dooxu ka imanayeen ayaanu Miisaankayaga u badinay oo haddii aananu Miisaami lahayn, wakhtiganba muu taagnaadeen Basku meel dhaw ee Daadku wuu la tegi lahaa. Inyar ka bacdi Daadkii baa soo batay oo bilaabay inuu Baskii rogo. Kursiga u dambeeya ayaanu fadhinay, dabadeed aniga iyo Wiil kale ayaa ka soo baxay Daaqadda dambe.
Dad baa noo soo gurmaday oo Xadhig ayaa naloo soo tuuray, dabadeed Gabadh kale ayaa Gacanta I soo qabsatay, Inantii ayaan Gacanta soo qabtay oo aan xejiyay, hase ahaatee Daadkii ayaa dib noo tuuray oo meel durugsan na geeyay, balse Xadhiggii ayaanu xejisanay oo dib naloogu soo qabtay, sidaas ayaanu kaga soo baxnay.” Sidaa waxa yidhi Wiil dhalinyaro ah oo ka ka mid ah dad ka badbaaday Bas nooca Rakaabka qaada ah oo uu habeen hore fiidkii Daad xoog lihi kula tegay Dooxa wayn ee Hargeysa, kaas oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdilaahi Muuse.
Baskan Daadku qaaday oo ah nooca Coaster-ka loo yaqaano ee 30-ka qof qaada, kana mid ah Basaska u baxa Xaafadda Biibsiga ee Magaalada Hargeysa, isla markaana Lambarkiisu yahay 18592, ayaa Daadku ku qabsaday mar uu ka tallaabayay Dooxa waynee Hargeysa, halkaas oo hadda ay Gaadiidku maraan inta uu socdo dhismaha Biriijka labaad oo ay hore u mari jireen. Inkasta oo aan si dhab ah loo hubin khasaaraha ka dhashay, haddana sida uu sheegay Mukhtaar Cabdilaahi Muuse oo ka mid ah dadka ka badbaaday Shilkan oo ay la kulmeen, waxa jir hal qof oo Daadku la tegay, balse aan la ogayn nolol iyo Geeri halka uu ku sugan yahay. Isaga oo ka waramay sidii ay wax u dhaceenna waxa uu yidhi, “Basku wuu buuxay marka laga reebo Gabadh naga degtay intii aanu Dooxa gelin, hase ahaatee waxa jiray dad badan oo Daaqaddaha Baska haystay.
Oday markii hore nagu yidhi iska fadhiya Daadku ma badna’e, waxa iigu war dambaysay isaga oo Gaadhiga ku dhex jira. Waxa kale oo jiray oo aan arkayay Wiil Rakaabka ka mid ahaa oo is-yidhi Xadhigii naloo soo tuuray qabso, hase yeeshee Gacanta la waayay, dabadeedna Daadku la tegay.” Ayuu yidhi Mukhtaar, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa jiray dad dhinicii uu Gaadhigu u dhacay haystay oo laga yaabo inay Gaadhiga hoos galeen. Balse tiro sugan oo laga soo saaray ma garan karo, waayo waan dawakhsanaa markii aan meesha ka soo baxay, imikase wax dhib ah ma qabo..”
Dadkii goob-joogga ahaa markii uu Shilku dhacayay ayaa sheegay inaanay jirin taakulo dhinaca Dawladda ka timi oo ku wajahan samata-bixinta dadka Daadku la tegay, marka laga reebo D/Hoose ee Hargeysa oo Cagaf aan hawlgelin oo markii dambe la xareeyay u diray goobta Shilku ka dhacay iyo Ciidamada Booliska oo iyana qayb ka ahaa daad-guraynta dadka. “Waxaanu soo gaadhnay Gaadhiga oo Daadku qaaday oo dadkuna ay dusha ka saaran yihiin. Markii aanu is-nidhi u gurmada ee aanu tagnay Wershadda Laydhka Dawladda oo aan naga fogayn, si aanu uga soo kaxaysano Wiishka Laydhka oo goobta yaalay oo aanu doonaynaynay inaanu Baska ku soo qabano, ayaa Shaqaalihii iyo Masuuliyiintii aanu Meesha ugu tagnay ay na yidhaahdeen Darawalkii Gaadhiga ayaa maqan, markii aanu la hadalnay Darawalkii Wiishka oo ay Telefoonkiisii na siiyeen, wuxuu na yidhi wuu xun yahay Gaadhigu.
Taliska Booliska markii aanu nimi ee aanu ku nidhi, Xadhko na siiya aanu Baska ku soo qabano, waxay nagu yidhaahdeen dibedda nooga baxa. Sidaa darteed, markii aan ka soo noqonay waxaanu u nimi Baskii oo Daadkii qaaday, dadka badhkiina laga saaray, qaar ka mid ahina ay ku jiraan Baska.” Sidaa waxa noo sheegay Mawliid Aadan Beegsi oo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Guddida Basaska Istaanka Biibsiga. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Cagaftii D/Hoose oo naloo soo diray si aanu Gaadhiga uga saarno, ayaa waxa shiiday Reer ka mid ah kuwa Dooxa ka ag dhaw, dabadeed Taliyihii heeganka ku jiray waxa uu amray in Cagafta lagu xareeyo Xarunta Taliska Guud ee Booliska. Balse Boolisku waxba kamay qaban Qoyskii Shiidayay Cagafta oo ay ahayd inay Baska badbaadiso.”
Mawliid Aadan wuxuu sheegay in dadka ay ogyihiin ee laga saaray Daadka uu ilaa hadda yahay 13 qof oo ay ku jiraan Darawalkii Baska iyo Wiilkii Kirishboyga ka ahaa. “Inta aanu ilaa hadda hubno ee laga soo saaray waa ilaa 13 Qof. Darawalkii gaadhiga Baska ah oo Biyaha ka soo dhex baxay oo guur-guuranaya ayaanu helnay, balse waxba ma kala garanaynin oo wuu dawkhsanaa. Dad baa jiray labada Jembi Gaadhiga ka saarnaa markii uu ciiray, markaa way jiraan dad Gaadhiga ku hoos jira.” Ayuu yidhi.
Inkasta oo dadkii goob-joogayaasha ahaa ay sheegeen inay jiraan dad dhinacyada Baska haystay ka hor intii aanu ciirin oo aan ilaa hadda la hubin nolol iyo Geeri ta ay ku sugan yihiin, isla markaana mid ka mid ah ay arkayeen isaga oo Daadku la tegay, haddana Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay dhammaan dadkii Gaadhiga Baska ah saarnaa ay badbaadeen. “Sida naloo sheegay dadkii Baska saarna oo dhami wuu ka wada samata-baxay. Basku wuu buuxay oo 30-qof qaade ayuu ahaa, dhammaantoodna way ka samato-baxeen.” Sidaa waxa yidhi Taliye Baashe Cabdilaahi oo ah Taliyaha Ciidamada Heeganka ee Qaybta Galbeedka oo ah halka Shilku ka dhacay.
Sida ka muuqata hadalka Taliyaha, ma jirto xog rasmi ah oo ay hayeen Boolisku, hase ahaatee waxa uu taliyuhu sheegay in dadka Baska saarnaa oo ka badnaa 30 qof ay iyagu Boolis ahaan badbaadiyeen inta u dhaxaysa 16 ilaa 18 qof, balse mar aanu waydiinay halka ay ka keeneen Warka sheegay in dadku ka wada baxeen, maadaama aanay iyagu dhammaan dadka wada badbaadin, waxa uu ku jawaabay, “Waxaanu waraysanay Wiilkii yaraa ee Lacagta ururinayay iyo Darawalkii Baska, waxaanay noo sheegeen in dadkii oo dhami ka samata-baxeen.” Waxa kale oo aanu Taliyaha Waydiinay maadaama sida la sheegay Darawalka Gaadhigu uu ka mid ahaa dadkii la badbaadiyay, isla markaana sida la sheegay isaga laf ahaantiisu asqoobay, waxa ay ku caddayn karaan in dadku wada badbaadeen, waxa uu ku jawaabay, “Dadkii waxay noqdeen mid isagu is-badbaadiyay iyo mid dadkii kale ee meesha yimi ay badbaadiyeen. Laakiin, anagu Boolis ahaan waxaanu soo badbaadinay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 16-18 qof. Dadkii kalese waxay noqdeen qaar daata, qaar soo dabbaasha.”
Iyada oo aan la hubin in dad ku hoos jiro Baska Daadku la tegay iyo in kale, hase ahaatee ay dadka qaarkii ku doodayaan inay jiraan dad uu Basku ku dul dhacay oo hoostiisa ku jira, ayaa haddana aan taa la hubinin. Isla markaana aan Baska laga qaadin Daadka dhexdiisa, isaga oo ay Biyuhu dul mareen. Sababta Baska loo qaadi ayaanu wax ka waydiinay Taliye Baashe Cabdilaahi, waxaanu ku jawaabay, “Taliyihii Heeganka Galbeedka anigaa ah caawa (habeen hore), markaa markii aanu is-nidhi ka soo saara, ayaa aniga iyo Cagaftiiba nala shiiday, dabadeed waanu isaga cararnay oo Cagaftiina halkaas (Taliska Guud ee Booliska) ayaanu ku xeraynay inta dadka na shiidayaa uu meesha ka kala tegayo.” Marka laga yimaado hadalka Taliyaha, mar aanu xalay saacadihii dambe la xidhiidhnay Cabdiraxmaan Xaashi Cabdilaahi oo noo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska waawayn, isla markaana ku sugnaa goobta Shilku ka dhacay, Baska ayaa ilaa wakhtigaa yaalay. “Waxaanu go’aansanay inaan Baska laga qaadin Biyaha dhexdiisa inta Waagu beryayo, si haddii cidi ku hoos jirto loogu tago, isla markaana aanu u kala daadan inta ka hadhay Biraha Basku” ayuu yidhi Cabdilaahi Xaashi.
Maaha markii ugu horraysay ee Bas Rakaab sida uu Daad ku qaado isla goobta uu xalay Daadku ku qaaday Baska, hase ahaatee waa kii labaad ee noociisa ah. “Sidii uu Biriijkani u go’ay ee dhismaha Biriijka loo bilaabayba waa Baskii labaad ee uu Daadku qaado isaga iyo dadkiisiiba. Inkasta oo ay jireen Basas hore u galay oo aanu ka saarnay Dooxa, haddana kani waa kii ugu xumaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Waawayn. Waxaanu Cabdilaahi Xaashi sheegay in kaalmo ay ka filayeen Dawladdu ay la raagtay, isaga oo tirada dadka Gaadhiga saarnaa ku sheegay 32 qof. “Sababta ugu wayn ee loo aanaynayo Shilka Baskan ayaa ah Daadka oo ku soo batay Baska iyo Gurmadka oo ka soo raagay, oo markii hore Basku wuu dhawaa, hase ahaatee markii dambe ayuu Daadku durkiyay. Gurmadkana waxaanu ka filaynay Dawladda iyo Taliska guud ee Booliska oo Shilku ka dhacay Albaabkiisa. Basku wuxuu siday 32-Qof oo ay Darawalka iyo Kirishboygu ku jiraan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi.
Dhinaca kale, toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Maayarka Caasimadda Hargeysa uu dhaawac ka soo gaadhay Daad ku qaaday isla goobta uu Shilkani ka dhacay, ka dib markii sida la sheegay uu galay Dooxa oo socda.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland