Guddoomiye-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Xabsiga laga soo daayay

Cabirka Farta

Jimco, September 05, 2008(HOL): Guddoomiye-ku xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Xirsi Cali Xasan ayaa in ka badan soddon maalmood oo xadhig ah kadib shalay xorriyaddiisii loo soo celiyey oo lasii daayey.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xukuumaddu ku eedaysay inuu xidhiidh la leeyahay urur Diimeedka Al-Shabaab, waxa xabsiga loo taxaabay labadii bishii August ee aynu kasoo gudubnay, waqtigaas oo laga qabtay dulleedka beri ee magaalada Burco. Hase yeeshee, muddadaas uu xabsiga ku jirey waxa socday dedaal odayaal beeshiisa ah iyo dhinacyo kaleba ku doonayeen sii dayntiisa, isla markaana ay kulamo arrintaa la xidhiidha kula yeesheen Madaxweyne Rayaale, taasoo sababtay in iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeyn lasii daayo.

Xadhiga Xirsi Cali Xasan waxa si weyn u cambaareeyey xisbiyada Mucaaradka ah iyo qaybaha bulshada qaarkood oo ku tilmaamay in xadhigiisu la xidhiidho aargoosi siyaasaddeed oo Xukuumaddu kaga jawaabayso eedaymo uu u jeediyey, ka hor intii aanu iska casilin xubinimadii Komishanka doorashooyinka.
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland