8 Ruux oo ku dhintay Roob 24 Saacadood ka badan ka da’ayay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, September 05, 2008(HOL): Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo Caruur iyo Dad waa weyn isugu jiray ayaa geeriyoodeen kadib markii ay dadkaasi qaarkood ku dumeen guryo ay ku jireen halka kuwo kalena ay u adkeysan waayeen qabowgii Roobka.

Roobkani oo Muqdisho ka da’ayay habeen hore iyo shalay oo dhan ayaa wuxuu sababay in ay Shan Ruux ku geeriyoodaan Degmada Madiina, kuwaasi oo ku noolaa guryo cooshado ka sameysan oo aan Roobka celin karin.

Seddex Ruux oo kale ayaa waxay ku geeriyoodeen nawaaxiga Xarunta Boosatadii Soomaaliya, waxayna geerida dadkaas timid kadib markii uu ku soo dumay derbi ku wareegsanaa dhismo duugoobay oo ay aqallo ka dhex sameysteen.

Sidoo kaelna, Roobkii Muqdisho ka da’ay ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku sugan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ah halka ay u barakaceen Dadkii ka cararay Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan inta  u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan Deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Calamada ayaa maanta waxay sameeyeen dibadbax ay ku muujinayeen dhibaatada ka soo gaartay roobabkii ka da’ay Muqdisho iyo duleedyadeeda, waxayna dadkani codsanayeen in lala soo gaaro Bacaha Roobka laga galo iyo Cunto.

Muqdisho oo kaliya ma ahan Magaalooyinka ay Roobabka ka da’een, waxaana sidoo kalena Roobab laga soo sheegayaa Degmooyin ka tirsan Gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Bay iyo Jubbada Hoose, inkastoo ay yar tahay dhibaato ka dhalatay  Roobabka ka da’ay Gobolladaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia