Jimco, September 05, 2008(HOL): Wax yar ka hor xiliga Afurka ayay weerar ku soo qaadeen Burcad Hubeysan oo South African ah Dukaan ku yaalay Tuulada Plascop oo ka tirsan Magaalada Rustanburg waxayna halkaas ku toogteen Marxuum lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali oo ku magac dheer(Cali Bile) iyagoo Halkaasna ku dhaawacay Cabdullaahi Axmed Yuusuf oo isna ku magac dheer (Daleel) oo ku wada sugnaa Dukaanka. Lama oga waxa ay ka qaateen madaama ay ku sugnaayeen labadooda oo kali ah iyadoo midna la dilay midna la dhaawacay.
Booliska ayaa baaritaano bilaabay xili dambe mana jirto cid loo soo qabtay iyadoo todobaadkan gudihiisa dilku uu marayo 3 Dhimash 3 dhaawac ah oo Magaalada Rustanburg iyo hareeraheeda sida uu u xaqiijiyay Xafiiska HOL ee Magaalada Johannesburg Gacal Xuseen Gacal oo ah Saxafi Dagan Magaalada Rustanburg.
Dhinaca kale waxaa lagu dilay Magaalada East Londan labo Marxuumoo lagu kala magacaabi jiray Axmed Cali oo ku magic Dheeraa (Kuluc) iyo Maxamed Xuseen Cabdulle, Halka lagu Dhaawacay Xassan Daahir Sahal iyo Cabdullaahi Geelle oo uu soo gaaray dhaawacyo culus iyadoo la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada East Londan.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in rasaas la hugiyay iyadoon wax dhac ah loo geysan Xaruntii Ganacsi oo ay ku sugnaayeen, lama oga ilaa iyo haatan sababta raggaas loo beegsaday iyadoo wax dhac ah loo geysan.
Dilalka lagu hayo Soomaalida ayaa ah mid is-daba jooga ah oo aysan jirin cid ka hadasha iyo cid wax ka qabata mana jiraan meel ay maciinsadan oo kale Qoxootiga Soomaalida maadama uu Dagaal Sokeeye oo aan Dhamaad leheyn uu ka socdo dalkooda.
Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa