Maamulka Puntand oo ka digay Lacagaha Madax furashada ah ee la siiyo Burcad Badeedka

Cabirka Farta

Arbaco, September 03, 2008(HOL): Wasiirka Kalluumaysiga iyo dekedaha Dawlad Goboleedka Puntland  Axmed Siciid Aw-Nuur oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Boosaaso   ayaa ka hadlay hadal dhawaantan ka soo yeeray kooxo Burcad Badeed ah oo afduub u haystay Markab laga leeyahay Dalka Malaysia, kaasi oo ahaa in ay doonayaan Lacag Madax furasho ah.

Shirkaan jaraa’id ee u qabtay Wasiirka Dekadaha iyo Kallaymaysiga  ayuu ku sheegay in aysan jiri doonin wixii hadda ka dambeeyay wax Lacag Madax furasho ah oo la siin doono kooxaha Burcad Badeedka ee af-duubka caadaystay waa sida uu Wasiirka uu hadalka u dhigaye.

Su’aalihii ay saxaafadda weydiisay Wasiirka waxaa ka mid ahaa in ay Dagaal soo qaadi karaan Wadamada Maraakiibtooda af-duubka loogu haysto Xeebaha Puntland iyo in kale waxaana uu shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland uu soo dhawaynayo cid kasta oo la dagaalamaysa kooxaha Burcad Badeedka ah.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dekadaha DGPL ayaa dhaliilay waxqabadka Ururka Badmaaxiinta Bariga Afrika, isagoo in Ururkaasi uusan wali waxba ka tirsan Burcad badeedka  ku sugan Xeebaha Puntland, wuxuuna ku eedeeyay in ay gacan-saar la leeyihiin Burcadka.

“Taasi waxaa caddeyn u ah mar kasta oo ay Burcad Badeedka wax af-duubtaan iyana ayaa shaaciya, waxayna u dhaxeeyaan Dadka wax laga af-duubto iyo kooxaha Burcad Badeedka oo lacagta madax-furashada ah iyaga ayaa loo soo mariyaa”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.

Dhawaan ayay ahayd Markii kooxo Burcad Badeed ah oo afduub u haysta Markab laga leeyahay Dalka Malaysia ay dalbadeen Lacag Madax furasho ah oo aad u fara badan , taasi oo keentay in Maamulka Puntland uu ka hadlo arimaha Burcad Badeedka.

Xeebaha  Puntland   waxaa iminka af-duub loogu haystaa ilaa 8 Markab oo qaarkood laga kala leeyahay wadamada Malaysia, Japan iyo Iran kuwaasi oo ay afduub  ahaan loogu haysto degmada Ayl ee Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in Iskaashi dhinaca la dagaalanka Burcad Badeedka ah uu la samayn doono dawlado ay ka mid yihiin Yemen iyo Sacuudiga  si looga hortago kooxaha Burcad Badeedka ah.

Dhinaca kale Burcad Badeedka ayaa waqtiyadii ugu dambaysay ahaa kuwo si aad ah ugu soo badanayay xeebaha Gacanka Cadmeed ee ku teedsan biyo Badeedka Puntland, waxaana hadalka Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga Puntland uu ku soo beegmayaa xili Burcadda Badda ay si aad ah ugu dhiiranayaan Lacagaha la siiyo ee Madax furashada ah.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia