Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in aaney Dowladda Federaalka awood u lahayn in ay qabsato Magaalada Kismaayo

Cabirka Farta

Arbaco, September 03, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa jawaab ka bixiyay hadal ay sii daayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kaasi oo ku saabsanaa in Dowladda Federaalka ay la wareegi doonto gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegay in aaney Dowladda Federaalka awood u lahayn in ay la wareegto Magaalada Kismaayo.

“Dowladda Federaalka awood uma lahan in ay Kismaayo qabsato waayo waxayba ka soo gudbi la’ dahay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Magaalada Baydhabo, marka waa hadal iska dheh ah in ay la wareegeyso magaalada Kismaayo”ayuu yiri C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqaneoo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyay cidda gacanta ku heysa Magaalada Kismaayo ayuu ku gaabsaday in ay Magaaladaas gacanta ku hayaan sida uu u yiri xoogagga Muqaawamada, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay qabaa’illo qabsadeen Magaaladaas.

Hadalka uu sii daayay C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Wasiirka Dib u heshiisiinta C/risaaq Ashkir iyo La-Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasadda Yuusuf Azhari ay intuba sheegeen in ay Dowladda Federaalka la wareegi doono gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia