In ka badan 284 Ardey oo Waxbarasho ku baxeysa Luuqadaha Carabiga iyo Ingariiska ka bilawday Dugsi cusub oo laga hergaliyay Tuulada Moqokori ee G/Hiiraan

Cabirka Farta


Arbaco, September 03, 2008(HOL): Inkastoo ay wali xiran yihiin Dugsiyadii Waxbarashada Magaalada Beledweyne sababo dhinaca Amaanka ah, ayaa dhinac kale waxaa qeybo ka mid ah Tuulooyinka ka fog fog ee Magaalada ka socda Waxbarasho toos ah oo ay ka faa'ideysanayaan Ardey isugu jirta dadka deegaanka iyo kuwa Qoysaska Barakacay.

Waxaa ka mid ah goobaha sida tooska ah hadda Waxbarashadu uga socoto Tuulada Moqokori oo qayaastii 163-Km u jira Magaalada Beledweyne halkaas oo dhawaan laga hirgaliyay Dugsi lagu barto Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, waxaana uu dugsigu hadda diiwaangaliyay in ka badan 284 arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Sida uu HOL u sheegay Aadan Xaaji Macow oo ah howl-wadeenka Dugsiga Moqokori waxaa suurta gal ah in tiradu intaa ka sii kororto, maadaama marka laga soo tago dadka ku dhaqan Tuulada sidoo kale ay jiraan Qoysas ka barakacay Magaalada Beledweyne iyo kuwo horay uga soo baxsaday dagaalada Muqdisho oo gaaray Tuuladaasi kuwaas oo laga yaabo in caruurtoodu ay ku biiraan Ardeyda Waxbarashadu uga bilaabatay Dusiga Moqokori mar haddii ay ka soo tageen goobihii ay wax ku baran jireen.

Macalimiinta wax ka dhigta dusiga ayaa waxaa ku jira kuwa horay wax uga dhigi jiray Dugsiyada Waxbarasho ee Magaalada Beledweyne Inkastoo ay jiraan kuwo laga xushay Deegaaka Moqokori, waxaana dhici karta in loo baahdo Macalimiin intaa ka sii badan.

Marka la eego Gobalka intiisa kale gaar ahaan Tuulooyinka sida weyn uga fog Magaalada waa ay adag tahay in laga helo Dugsi lagu barto Luuqadahan, laakiin Aadan Xaaji Macow oo ay HOL weydiisay sida ay aritaas ugu suurtagashay ayaa sheegay in ay xoogga saareen dhinaca sidii loo heli lahaa Maclimiin Aqoon u leh Luuqdaha taas oo markii dambe noo suura gashay.

Sikastaba arrintu ha ahaatee, hirgelinta Dugsiga Moqokori waa mid wax ka tari kara dhismaha Aqoonta Arday badan oo markii hore ka aan helin waxbarasho toos ah oo ku filan, waxaana sidoo kale ka faa'ideysanaya fursadan Qoysas badan oo ku jahwareersanaa halka ay waxbarasho uga heli lahaayeen Caruurtooda mar haddii ay ka soo tageen goobihii ay wax ku baran jireen.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia