Wada hadallo lagu sii deynayo Wariyayaashii Ajnabiga iyo Soomaalida isugu jiray oo socda

Cabirka Farta

Arbaco, September 03, 2008(HOL): Jariidada Toronto Star ayaa shaacisay in ay socdaan wada hadallo lagu sii deynayo Wariyayaal Canada, Somalia iyo Australia u kala dhashay, kuwaasi oo 23-kii bishii hore laga qafaashay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Wariyayaashan oo kala ah Amanda Lindhout oo Canada u dhalatay, Nigel Bernnan oo Australia u dhashay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay ayaa markii la af-duubanayay waxay warbixinno ka diyaarinayeen Dadkii ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Sida ay qortay Jariidada Toronto Star ilo wareedyo dhowr ah oo laga helay Somalia, Kenya iyo Canada ayaa waxay sheegeen in ay socdaan wada hadallo lagu sii deynayo Wariyayaashaas, iyadoo wada hadalladaasna ay wadaan qeyb seddexaad oo aan ahayn dadka wax af-duubtay iyo kuwa wax laga af-duubtay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa u sheegay Jariidada Toronto Star in Wariyayaasha ay bed qabaan, isla markaana aaney jirin wax dhibaato ah oo loo geystay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia