Dagaal xooggan oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, September 03, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka dhacay Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsaday, kaasi oo  ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarama iyo Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley.

Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay in ay uu geystay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 8 ruux, kuwaas 3 ka mid ah uu dhaawacooda halis ahaa.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxay madaafiic ku dhaceen Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo aan la sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo xiliga uu dagaalka dhacayay ay aroor hore ahayd, Suuqana aysan u shaqo tegin dad badan oo ku ganacsada.

Ilaa iyo haatan  ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhinacyada uu dagaalka dhexmaray, kaasi oo ku aadan khasaaraha dagaalkaas ka dhashay iyo ciddii markii horeba bilowday.

Dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadyo ka hor ay ahayd markii dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho uu sababay dhimashada dad 10 ruux kor u dhaafayay iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo dadka waxyeellada soo gaartayna ay u badnaayeen kuwo uu madfac kula dhacay Masjidka Abuu Hureyra ee ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kalena Dagaalka saaka dhacay iyo dagaalladii ka horeeyay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo 18-kii bishii aynu ka soo gudubnay ay Dalka Jibouti Heshiis mar labaad ku wada saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ka mid ahaa qodob sheegayay in dagaallada la joojiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia