Dagaal saaka ka dhacay Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, September 17, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

Dagaalkan oo socday muddo saacad ah ayaa waxay qaaday Xoogagga maxkamadaha Islaamka oo weeraray Xeradii Guul-wadayaasha, Xaruntii Saraakiisha ee Shiirkole iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, iyadoo halkaasina laga maqlayay daryanka madaafiic ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid xaqiijisay khasaaraha dhinacyada dagaallamay soo gaaray, inkastoo Afhayeenno u kala hadlay labada dhinac ay dagaalkii saaka guulo ka sheegteen.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay ku dileen  6 Askari oo ka mid ah Ciidamadii ay weerareen, dhinacooda ay dagaalka uga dhinteen labo dagaalyahan.

Laakin Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku jira Xeradii Guul-wadayaasha G/lle Dhexe C/qaadir Cod-weyne ayaa sheegay in aaney jirin Ciidamo dagaalkii saaka uga geeriyootay, wuxuuna sheegay in ay iska caabiyeen Kooxihii weerarka ku soo qaaday, isla markaana ay khasaare u geysteen.

Si kastaba arrintu ha ahatee, lama soo sheegin khasaare dagaalkii saaka ka soo gaaray dad rayid ah, waxaana taas ugu wacnaa iyadoo goobaha lagu dagaallamayay ay ahaayeen kuwo dadkii deganaa ay horay uga barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia