Arbaco, September 17, 2008(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Dawlad Goboleedka Puntland General Gaani Maxamuud Xaaji ayaa xalay kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari , xili uu ku sii jeeday xaafadda uu ka dagan yahay Magaalada Boosaaso.
Dhawaaca Taliyaha ayaa la soo sheegaya in uu yahay mid aad u daran, iyadoo xaaladdiisa caafimaad aad looga soo dayrinayo ,waxaana dhaawaca taliyaha gaystay kooxo ku hubaysnaa Bastoolado sida ay sheegeen dad ka dhawaa goobta uu shilkani ka dhacay.
Goobta Taliyaha lagu dhaawacay oo ahayd meel u dhaw guriga uu ka dagana yahay Magaalada Boosaaso ayaa markii danbe waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Bari, waxaana goobta ka baxsday kooxdii dhaawaca Taliyaha geysatay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland General Gaani ayaa markii la dhaawacay kadib waxaa loola orday Hostpital ku yaala Magaalada Boosaaso, kaasi oo haatan lagu dabiibayo. Waxaa jira warar sheegaya in dhaawaca Taliyaha loo qaadi doono Isbitaal ku yaala dalka Kenya, si halkaas loogu soo daweeyo.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo saxaafadda kula hadlay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa tilmaamay in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii ka danbeeyay dhaawaca Taliyaha.
Arintan ayaa waxa ay ku soo aaday xili waqtiyadii la soo dhaafay Amni xumo aad u baahsan laga dareemayay Magaalooyin hoos yimaada Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan muuqan tallaabo uu maamulka ka qaadayo dadka nabadgelyo darrada ka dambeeya.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia