Arbaco, September 17, 2008(HOL): Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, isla markaana suga ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in aysan joojin doonin duulimaadyadii Mileteriga ahaa ee u imaan jiray.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Barigye Ba-Hoku ayaa sheegay in aysan waxba u arkeynin Digniin ay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab soo saareen, taasi oo ay ku sheegeen in ay weerari doonaan Diyaaraddii ku soo degta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Major Barigye Ba-Hoku waxa uu sheegay in Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay horay u weerari jireen Garoonka Diyaaradaha, ayna soo degi jireen duulimaadyada u socda, wuxuuna caddeeyay in ay garoonka difaaci doonaan haddii la soo weeraro.
Waxaa uu sheegay Afhayeenkan u hadlay Ciidamada Amisom in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu yahay mid aaney Ciidamada Amisom lahayn hayeeshee uu yahay mid ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed oo isagu isticmaala.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay aysan wax diyaarado ah ka soo degin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo taasina ay timid kadib markii dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu shaaciyay inuu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia