Guddoomiyaha Degmada Kaaraan oo sheegay in ay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyo Beeleedyo ay garanayaan

Cabirka Farta

Arbaco, September 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaas ay ku soo qaadeen Maleeshiyo Beeleedyo.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ay garanayaan cidda ay ahaayeen Kooxaha soo weeraray, wuxuuna caddeeyay in ay markooda weerari doonaan, “Waan naqaanaa cidda ay ahaayeen maleeshiyooyinkii na soo weeraray iyo meesha ay nooga soo duuleen, weerar ayaana ku qaadi doonnaa”ayuu yiri C/llaahi Maxamed Rooble oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay C/llaahi Maxamed Rooble in Kooxihii weerarka  ku soo qaaday ay iska caabin kala kulmeen Ciidmadiisa iyo kuwo deegaanka ahaa, kuwaasi oo uu sheegay in uu uga mahadcelinayo sidii ay isu difaaceen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay tahay markii labaad oo weerar lagu qaado Degmada Kaaraan, wuxuuna is-weydiiyay waxa keenaya in Degmadaas la soo weeraro iyadoo aaney joogin Ciidamo Itoobiyaan ah, “waxaan is-weydiin leh haddii kooxaha wax weerara ay ku doodaan inay Ciidamada Itoobiya la dagaallamayaan Degmada Kaaraan ma waxaa jooga Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay ka xoreynayaan, taasi waxaan rumeysannahay in ay ujeedo kale ka dambeyso”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Haddaba marka laga soo tago sheegashada Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee ku aadan in ay Maleeshiyo Beeleed soo weerareen waxaa dagaalkaas sheegtay Midowga Maxkamadaha Islaamka oo Afhayeenkooda Howlgallada C/raxiin Ciise Caddow uu sheegay in ay weerarka ku qaadeen Degmada Kaaraan kadib markii sida uu u yiri ay dadka deegaanka ku soo wargeliyeen dhibaatooyin ay ku hayaan Rag ku labisan dharka Ciidamada Dowladda iyo kuwo dhar caadi ah qaba.

“Markii ay cabashadaas na soo gaartay ayaan go’aansannay in aan dhibaatada ka dul-qaadno shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan, dhibaato xooggan ayaana soo gaartay Kooxihii Burcadda ahaa ee dadka dhibaatada ku hayay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in ay tegayaan meel kasta oo dhibaato looga soo sheego.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia