Arbaco, September 17, 2008(HOL): Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya (International Contact Group) oo shir kula yeelatay Magalada Djibouti dhinacyada Soomaalida ee halkaas wada hadallada ku leh ayaa waxay si weyn u taageertay Heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
War-murtiyeed ay soo saartay Kooxdan ayaa lagu sheegay in heshiiska ay gaareen dhinacyada Soomaalida uu ahaa mid muhiim u ah xal loo helo mushkiladda Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu soo dhaweeyay sameyntii Guddiyo labada dhinac ka socda oo qaabilsan Siyaasadda iyo Ammaanka.
“Kooxda International Contact Group (ICG) waxay ugu baaqeysaa dhinacyada Soomaalida in ay meel mariyaan heshiisyadii ay gaareen, gaar ahaana in ay xabadda joojiyaan, isla markaana ay suurtageliyaan in Ciidamada Itoobiyaanka ay Soomaaliyga uga baxaan waqtiga loo qabtay”ayaa lagu yiri War-muritiyeedka ay soo saartay Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya.
Waxaa kale oo ay Kooxdan ku sheegtay war-muritiyeedkeeda in ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan wada shaqeynta siyaasadeed ee u dhaxeysa dhinacyada Soomaalida, gaar ahaan arrimaha ku saabsan Siyaasadda, Ammaanka Cadaaladda iyo Dib u heshiisiinta.
Dowladda Federaalka ayay Kooxda ICG ugu baaqday in ay meel mariso Heshiiskii Jibouti, si gaar ahna waxaa loogu baaqay inay horumariso Dastuurka Dalka, ayna dhisto maamullada Gobollada Dalka.
War-murtiyeedka ay soo saartay Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya waxaa lagu qiray howsha nabad-sugidda ah ee ay Ciidamada Amisom ka hayaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho,waxaana lagu cambaareeyay weerarrada joogtada ah lagu qaado, iyadoo Beesha Caalamkana looga codsaday Ciidamadaas in loo dhameystiro wax kasta oo ay u baahan yihiin.
Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiskii ay dhawaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka ku gaareen Magaalada Addis Ababa waxaa dhinaca kale loogu mahadceliyay Dowladda Jibouti oo martigelisay wada hadallada ay ku heshiinayaan dhinacyada Soomaaliya isku haya.
Ugu dambeyntiina, Kulan midkan xiga oo ay Kooxdan ka yeelan doonto Arrimaha Soomaaliya oo aan isla go’aansan waqtiga iyo meesha lagu qaban doono ayaa waxaa ka qeybgeli doona: UN, African Union, European Commission, European Union Council Secretariat, Presidency of European Union (France), IGAD, League of Arab States, Organization of Islamic Conference, World Bank, Canada, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Italy, Kenya, Norway, Sweden, United Kingdom anad United States.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia