Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo aysan maanta wax diyaarado ah ka soo degin

Cabirka Farta

Talaado, September 16, 2008(HOL): Maanta oo ay bilaha September iyo Ramadaan ku wada beegan yihiin 16 ayaa ka bilaabanaya waqti uu dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab shaaciyay in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo saaka ma jirin wax diyaarad ah oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha, inkastoo qaar ka mid ah Shirkadihii Diyaaradaha ee maanta oo kale garoonka ka soo degi jiray ay cudurdaar u gudbiyeen Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha.

Wasiirka Wasaaraddaas Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in Shirkadaha Diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba ay u soo gudbiyeen  cudurdaar ku saabsan in aysan maanta soo degeyneynin duulimaadyo ay filayeen.

“Haddii ay u baaqdeen Hanjabaaddii Al-Shabaab wixii ku yimaada iyaga ayaa mas’uuliyadda qaadi doona, laakin annaga waxaan sheegeynaa in ammaanka Garoonka Diyaaradaha uu sugan yahay, lana isticmaali karo”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in garoonka uusan markiisii horeba baryo ku furneyn marar badan oo horena madaafiic lagu tuuri jiray.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in maalinta berri ah ay Garoonka imaan doonaan diyaarado Rakaab wada iyo kuwo u socda Dowladda Federaalka, wuxuuna xusay in uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin amarkii ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa Bayaan uu soo saaray oo lagu soo daabacay bar uu Internet-ka ku leeyahay waxaa uu ku sheegay in garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu u xiran yahay sabab la xiriirta in uu hoy u yahay Ciidamo ku soo duulay Soomaaliya, sidoo kalena ay ka soo degaan Saraakiil sir-doon ah oo ka socda Mareykanka iyo Israa’iil. {Halkan ka aqriso Bayaanka}.

Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia