Xildhibaan kale oo iska casilay Baarlamaanka Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, September 16, 2008(HOL): Xildhibaan Dr. Cali Baashi Rooraaye oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska casilay xilkii Xildhibaannimo ee uu ka hayay Baarlamaanka Soomaaliya.

Dr. Cali Baashi oo isagoo ku sugan Dalka Jibouti u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in sababta uu isaga casilay xilkaas ay yihiin labo arrimood oo kala ah isagoo doonaya in uu qabsado dano u gaar ah iyo isagoo ka habsaamay howshiisa dhaqtarnimo.

Dhaqtarka oo ku takhasusay qalliinka iyo daweynta Indhaha ayaa wuxuu ka tirsanaa 61-ka Mudane ee Beesha Hawiye ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaannada sida weyn uga dhex muuqda Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray in booskii uu ka baxay lagu bedelay Mudane kale oo ay soo xulatay Beeshiisa, wuxuuna caddeeyay in uu haatan kadib ahaan doono qof aan ku jirin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dr. Cali Baashi Rooraaye ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii labaad oo iska casila Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay isu casilay Xildhibaan C/casiis Ibraahim, kaasi oo sheegay inuu go’aanka is-casilaadda qaatay kadib markii uu u bogi waayay qaab dhaqanka Dowladda Federaalka iyo weliba sida aysan uga hadleynin Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ku jira.

Ugu dambeyntiina, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqtiga jiritaankiisa waxaa uu ku egyahay 22-ka Agoosto ee sanadka dambe, waxaana lagu xusuusan doonaa haddii uu meesha ka baxo mooshinno badan oo uu ka keenay Xukuumado soo maray Dowladda Federaalka iyo weliba is-qabqabsi mudanayaasha dhexdooda ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia