
Axed, 15, 9, 2008 (HOL) Shiikh C/llaahi Cali Barqadle oo ka mid ah Culimaa'uudiinka sida weyn looga qadariyo Gobolka Hiiraan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa uu ku howlanaa gaarsiinta Deeq lacageed Qoysas isugu jira kuwii ay Abaaruhu ku dhufteen iyo waliba kuwii ku barkacay dagaaladii dhawaan ka dhacay gudaha Magaalada Beledweyne.
In ka badan 450 Qoys ayaa la gaarsiiyay Deeq Lacageed oo gaareysa $ 3000 oo Doolar taasoo ay u soo dhiibeen dadka tabaaleysan Xaliimo Waade iyo Aamino Jimcaale oo ku nool Dalka Ingariiska gaar ahaan Magaalada Londan,, waxaana meelaha Deeqda la gaarsiiyay ka mid ah Deegaanada Hoodley, Hiiraan, Buundo-madow, Siigaalow, Ex. Garoonkii hore ee diyaaradaha iyo waliba qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne.
Mar la eego deegaanka Buundo-madow ee Tuulada Beergadiid oo ka mid ah meelaha kaalmadan la gaarsiiyay waxaa ku nool in ka badan 150 Qoys oo intooda badan ka soo barakacay dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ku dhufteen Abaaro daran.
75 ka mid ah 150-ka Qoys ee ku dhaqan deegaanka Buundo-madow oo ay kaalmadani gaartay ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay u soo xasuustaan dadka dibadaha ku dhaqan, waxaana mid ka mid dadka ku dhaqan deegaanka Buundo-madow uu u sheegay HOL in Sanad ka hor uu lahaa in ka badan 600 oo neef oo Ari ah, maanta uusan laheyn xitaa hal neef.
Shiikh C/llaahi Cali Barqadle ayaa ku booriyay Qoysaska deeqda helay in marka hore Allaah loo noqdo si looga baxo dhibaatada dhinaca nolasha ah, waxaana uu intaas ku daray in Abaaraha iyo Masiibooyinka kale ee dhacaya yihiin kuwo ka dhashay ku caasinta Eebbe.
Waxaana uu sidoo kale Shiikh C/llaahi uu ka codsaday dhamaan kuwa deeqaha bixiya oo ay ku jiraan Hay'adaha Samafalka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gargaaro dadka dhibaateysan maadaama kaalmo ku wanaagsan tahay xiliga loo baahan yahay.
Gobalka Hiiraan ayaa Sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka jiray Abaaro iyo colaado isbiirsaday kuwaas oo keenay in Qoysas badan ay la soo daristo daruufo dhinaca nolasha ah mana jiraan Qoysaskaasi Hay'ado si gaar ah arintooda wax uga qabtay, marka laga reebo deeqaha ay soo diraan dadka ku dhaqan Dibadda taasoo la oran karo waa Isha kaliya ee hadda u furan dadka nolosha ku xumaatay.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia