Talaado, September 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay sheegayaan in saaka Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray halkaas qarax lagula beegsaday.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha Ciidamada ka soo gaaray Qaraxaas oo ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso, waxaana lagu soo waramayaa in ay Ciidamada rasaas badan fureen kadib markii qaraxa lala eegtay.
Ciidamadan oo socod lugta ah ka soo bilaabay Magaalada Baydhabo ayaa intii ay soo marayeen Deegaanno u dhaxeeya Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-hakaba waxaa lagu qaaday weerarro is-xig-xigay, kuwaasi oo ay soo qaabeeyeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa gebi ahaanba hareeraraha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Lafoole isaga cararay dadkii ku noolaa, kuwaasi oo ka baqay in ay waxyeello u geystaan Ciidamadan oo ah qeybtii seddexaad ee lagu soo tababaray Dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntiina, Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan u qaxeen dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo lala beegsaday Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo marna ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, mar kalena ka sii baxayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia