Talaado, September 16, 2008(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu muddo 48 saacadood gudahood ah uu uga jawaabayo hadal uu sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo uu ku diidanaa go’aan uu Baarlamaanka gaaray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo shalay la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka oo ku shiray Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay inay guddi sharci-yaqaanno ah u saari doonaan cidda saxsan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kadibna ay 48 saacadood gudahood ay jawaab ku celin doonaan Madaxweynaha.
Axdiga KMG ah ee u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu qabaa haddii Baarlamaanka go’aan gaaro oo uu madaxweynaha soo celiyo, hadana Baarlamaanka uu go’aanka ku adkeysto in ay Dowladda dhaceyso, waxaana taasi ka digay Madaxweyne Yuusuf oo dorraad soo saaray hadal saxaafadeed uu ku diidan yahay go’aan uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsanaa in aan dib Xukuumadda loogu soo celin karin Wasiirro horay isu casilay.
Inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku doodayaan in go’aanka ay gaareen uu ahaa mid sharci ah, waxayna madaxweynaha ugu baaqeen in uu aqbalo go’aanka Baarlamaanka, isla markaana sida ay yiraahdeen uusan horseedin burbur ku yimaada Dowladda Federaalka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore wuxuu si aqlabiyad leh u ansixiyay in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen oo horay isaga casilay xilalkii ay hayeen, waxaana go’aankaas gaaray 175 mudane oo ka mid ahaa 190 Mudane oo ka qeybgalay kulankii go’aankaas lagu gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia