Jimco, 12, 9, 2008 (HOL) Xaaladda Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaan wali ah mid aan deganeyn kadib markii maalintii shalay kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen Askari Itoobiyaan ah oo ilaalo ka hayay goob aan sidaa uga fogen Buundada gasha Xaafadda Octoobar ee Magaalada Beledweyne.
Ciidamada Itoobiya ayaa saakay Waaberigii hore toogasho ku dilay Nin Madaxa looga jiray oo caan ka ahaa dhamaan Xaafadaha Magaalada kadib markii sida loo maleynayo Ciidamadu ka shakiyeen, Sidoo kale waxaa ay Ciidamadu muddo kooban xayireen isu socdka dadka iyo Gaadiidka Xaafadda Buundo-weyne oo aan sidaa uga fogeyn halkii maalintii shalay lagu dilay Askariga Itoobiyaanka ah.
Isla Barqanimadii maanta ayaa mar kaliya lagu kala cararay bartamaha Magaalada kadib markii la maqlay rasaas aan kala go' laheyn oo ridayeen Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan kuwaa oo weerar si weyn looga xumaaday ku qaaday Gaari xamuul ah oo ku sii jeeday Degmadda Guri-ceel, waxaana dad badani su'aalo iska weydiinayeen sababta Gaariga iyo dadka saaran rasaasta loogu furay inkastoo haddana rasaastaasi aysan cidina wax ku noqon.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bacadlaha Magaalada Beledweyne ayaa saakay uun u suurta gashay in ay booqdaan Dukaamadii ay la haayeen kuwaa oo maalintii shalay laga cararay qaarkood iyaga oo furan, mana jiraan ilaa hadda alaabo la sheegay in laga qaatay Dukaamada shalay laga cararay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda guud ee Magaalada Beledweyne ayaa marka si dhab ah loo qooraansado waxaa la oran karaa waa mid amaankeedu faraha ka sii baxayo, waxaana xusid mudan in goobaha muhiimka u ah dhaq dhaqaaqa guud ee dadka marka la gaaro 3:00 Galabnimo yihiin kuwo cidlo ah oo qofka soo mara Wadnaha farta ku qabanayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Somalia
Waa sidee Xaaladda Magaalada Beledweyne kadib toogasho maalintii shalay lagu dilay Askari Itoobiyaan ah?
Cabirka Farta
More News
- Puntland oo sheegtay in uu dhaw yahay waqtigii la soo saari lahaa Shidaalka Puntland
- Colaad ka taagan Deegaanno u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo Dad badan lagu dilay
- Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Bay oo maanta Baydhabo lagu dilay
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo difaacay go’aankii ay uga soo horjeesteen in ay xilalkoodii ku soo noqdaan Wasiirro is-casilay