Colaad ka taagan Deegaanno u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo Dad badan lagu dilay

Cabirka Farta

Jimco, September 12, 2008(HOL): Colaad u dhaxeysa labo Beelood oo dega Xadka u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxay sababtay in ay dhintaan dad 10 ruux ku dhow.

Colaaddan oo u dhaxeysa Beelo ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay dadka lagu dilay yihiin kuwo aan dagaal iska hor-imaad ah ku dhiman oo markaasina iyagoo biri-ma-geydo ah loo dilay heybta ay ka soo jeedaan.

Deegaannada ay Colaadda ka taagan tahay oo hoos-taga Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay yihiin kuwo ay dadkii deganaa uga barakaceen sabab la xiriirta colaadda ka dilaacday.

Colaadda labadan Beelood u dhaxeysa oo la sheegayo in ay sanado badan soo jirtay ayaa waxay salka ku heysaa muranno ka dhashay Dhul Daaqsin ah iyo Ceelal biyoodyo, waxaana colaadahaas ay galaafteen nolosha dad badan oo labada beelood ka soo jeeda.

Haddaba qaboojinta xiisaddan colaadeed ayaa waxaa ku howlan Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ku kala sugan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana rajo laga muujinayaa in lagu guuleysto in colaaddaas wax laga qabto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia