Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Bay oo maanta Baydhabo lagu dilay

Cabirka Farta

Jimco, September 12, 2008(HOL): Waxaa maanta lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Bay Shiikh Maxamed Xaaji C/qaadir.

Guddomiyaha oo ku sii jeeday goobtiisa shaqo ayaa waxaa toogtay rag hubeysan kuwaasi oo ku dilay Suuqa Bacadlaha Magaalada Baydhabo, iyadoo kadibna ay baxsadeen raggii dilka geystay.

Markii uu dhacay dilkaas kadib ayaa waxaa goobtii uu dilka ka dhacay tegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo howlgallo ka sameeyay halkii uu dilka ka dhacay, inkastoo aan la sheegin cid falkaas loo soo qabtay.

Dilka loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Bay Shiikh Maxamed Xaaji C/qaadir ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Magaalada Baydhabo, gaar ahaan Suuqa Bacadlaha.

Habeenkii Arbaca ayay ahayd markii gudaha Magaalada Baydhabo lagu dilay Maxamed Cusmaan Maye oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo isagoo ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Taraawiixda uu toogtay nin Bastoolad ku hubeysan.

Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan sii xumaanayay, waxaana ka dhacayay weerarro lagu qaaday guryo ay degan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka  iyo weliba fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia