Puntland oo sheegtay in uu dhaw yahay waqtigii la soo saari lahaa Shidaalka Puntland

Cabirka Farta

Wasiirka Macdanta iyo Bartoolka Puntland- Xasan Cismaan Alloore
Jimco, September 12, 2008(HOL): Maamulka Puntland ayaa rajo ka muujiyay la soo bixidda kheyraadka ku jira meelo faro badan oo ka mid ah deegaannada Puntland, xilli Maamulka uu sheegay in la gaaray waqtigii shidaalka Puntland banaanka  la keeni lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka DGPL Xasan Cismaan Alloore ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhamaan shaqaalihii bilaabi lahaa hawsha soo saarista shidaalka Puntland.

Waxaa iminka baarista Shidaalka ay si toos ah uga socotaa meelo ka mid ah Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin Masuuliyiin sar sare oo ka  tirsan shirkadda Qodaysa shidaalka Puntland oo lagu Magacaabo African Oil.

Wasiir Xasan Cismaan Allore  ayaa ka codsaday  shacabweynaha Puntland  in laga shaqeeyo amniga, si loo helo buu yiri horumar dhab ah oo ay gaaran shacabka Puntland.

Waqtiyadii la soo dhaafay waxaa  soo if baxayay  hanjabaado loo jeedinayo Shirkadda qodeysa Shidaalka Puntland , waxaana Maamulka uu tilmaamay in arimahaasi uu duudka u ridan doono.

Ugu danbayntii  Arimahaan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli  la rajeynayo isbadal ku dhaca Xukuumada Puntland, iyadoo ay soo dhawdahay doorashadii guud ee Puntland, waxaa doorashooyinka dhici doona isu soo taagay Musharixiin doonaya isbadal dhan walba ah oo ay ku sameeyaan Puntland

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe,Somalia