Jimco, September 12, 2008(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay difaaceen go’aan ay shalay uga soo horjeesteen qodob ka mid ah heshiis ay dhawaan Addis Ababa ku soo gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu khilaaf soo kala dhexgalay.
Qodobka ay madaxda Dowladda ku soo heshiiyeen ee ay Xildhibaannada ka soo horjeesteen ayaa wuxuu yahay in Wasiirro iska casilay Xukuumadda Federaalka dib xilalkoodii loogu soo celiyo.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in qodobkaas sababta ay uga soo horjeesteen ay ahayd iyadoo Wasiirradaas ay sheegeen markii ay is-casilayeen in aaney waxba ka qaban karin xaaladda uu dalka ku sugan yahay.
“Haddii ay iyaga caddeeyeen in aysan waxba qaban karin ma jirto sabab aan u ansixinno in ay xilalkooda ku soo noqdaan”ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in qofka xilka qabanaya xiligan looga baahan yahay in uu damiir leeyahay, isla markaana uu u bareero dhibaatada uu dalka ku sugan yahay.
Sidoo kalena Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale ayaa isna sheegay in sababta ay uga soo horjeesteen soo celinta Wasiirradaas ay tahay iyadoo ay ku sifoobeen xil-gudasho la’aan iyo mas’uuliyad darro ku saabsan xilkii loo dhiibay.
Shalay ayay ahayd markii Mudanayasha Baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh uga soo horjeesteen in xilalkoodii lagu soo celiyo Wasiirro is-casilay, iyadoo 190 Mudane oo ka soo xaadirtay kulan uu Baarlamaanka isugu yimid ay 175 ka mid ah ay u codeeyeen in aan wasiirradaas la soo celin, halka 15 Xildhibaan oo kalena ay u codeeyeen in Wasiirradaas la soo celiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia