WAR DEG DEG AH: Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo daqiiqado ka hor lagu dilay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Marxuum Dacar Xirsi Xooshow
Talaado, October 07, 2008(HOL): War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegayaa in daqiiqado ka hor magaaladaas lagu dilay Guddoomiyihii Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow.

Seddex Nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay marxuumka ku dileen gudaha Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo baxsaday markii ay dilka geysteen kadib.

Dad goob-joogayaal ah oo arkayay markii la dilayay Guddoomiyaha ayaa waxay sheegeen in qadar daqiiqado ah la qaadi waayay meydka marxuumka sabab la xiriirta dadka oo baqay in ay qaadaan.

Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow ayaa wuxuu ka mid ahaa Odayaal Dhaqameedyo dhawaanahan shirar la lahaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa gudaha iyo duleedka Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo ay kala hadlayeen sidii aaney Ciidamada Itoobiyaanka dhibaato ugu geysan lahayd dadka shacabka ah.

Shalay oo ugu dambeysayna wuxuu marxuumka ka hadlay digniin loo jeediyay Hay’ado samafal ah oo ka howlgala Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo kala ah Care International iyo IMC, isagoo sheegay in ujeedada Hay’adahaas loogu hanjabay ay tahay in la cunaqabateeyo Dadka ku dhibaateysan gudaha Gobolka Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia