Barakac ka socda Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa

Cabirka Farta

Talaado, October 07, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa saaka waxaa ka socda barakac ballaaran oo ay sameynayaan dad ku harsanaa Degmadaas oo inta badan  dadkii ku noolaa ay ku barakaceen dagaalladii Muqdisho ka dhacay horaantii sanadkii 2007.
 
Dadkani oo ku noolaa Xaafadaha Al-Cadaala iyo Xaafado kale oo u dhow Suuqa Huriwaa ayaa waxay barakaca bilaabeen kadib markii xalay labo jeer lagu duqeeyay madaafiic culus.
 
Canab Axmed Xuseen oo ka mid ahayd dadka barakacayay ayaa waxay sheegtay in xaafadahooda xalay si weyn loo duqeeyay sidaas darteedna ay saaka go’aansadeen in ay barakacaan, iyadoo xustay in aysan aqoonin meel u qorsheysan oo ay aadayaan.

Duqeynta xalay loo geystay Xaafadaha ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa waxay bilaabatay kadib markii kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ay madaafiic hoobiyayaal ah ku weerareen fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Warshadda Xeyla Bariise.

Tan iyo wixii ka dambeeyay horaantii sanadkii 2007 waxaa xaafado badan oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ka barakacayay Dad badan, kuwaasi oo intooda badan ay haatan ku nool yihiin duleedyada Magaalada Muqdisho, tiiyoo ay xusid mudan tahay in ay dadkaas la soo derseen xaalado nolol xumo ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia