Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Dad rayid ku dilay Xaafadda Buulo Xuubey ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, October 07, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay Dad Rayid ah ku dileen xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo howlgallo ka sameynayay Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir ayaa la sheegay in ay toogteen labo nin oo lagu kala magacaabi jiray Avv. Faarax C/llaahi Macallin iyo Liibaan Cabdulle, kuwaasi oo si weyn looga yaqaanay xaafaddaas.

Lama oga ilaa haatan sababta keentay in ay Ciidamada toogtaan dadkaas rayidka ah, wuxuuna falkaas wel wel ku abuuray dadka ku dhaqan Xaafadda Buulo Xuubey oo saaka isugu jiray kuwo guryahooda aan ka soo bixin iyo kuwo aroor hore ka cararay markii ay Ciidamada arkeen.

Howlgalka ay Ciidamada sameeyeen ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay weerar lagu qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom ee degan Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kasta waxaa lagu eedeeyaa in ay falal xad-gudubyo ah oo isugu jira dil iyo dhac ay  u geystaan dadka rayidka ah, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax tallaabo ah oo ay arrintaas ka qaadayaan Talisyada ay Ciidamadaas ka tirsan yihiin.

Ugu dambeyntiina, Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa weerarro madaafiic loo adeegsaday looga qaadayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo muddo bil ku dhow uu u xiran  yahay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia