Talaado, October 07, 2008(HOL): Waxaa halkaasi lagu boobay in kabadan 10 dukaan waxaana dab la qabadsiiyay ilaa 3 kale. Dhacdadan ay ka dambeeysay kadib markii kooxo rabsho-wadayaal ah oo caadeystay in ay dhacaan hantida Soomaalida ay usoo galeen dukaan uu lahaa nin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed, ayna weydiisteen in ay ka iibsadaan alaab ka mid ah alaabaha dukaankiisa yaalay iyagoo wata lacag aan ku filneyn, waxa uu u sheegay in aysan ku filneyn lacagta ay wataan balse ay weeydiisteen in uu qasab ku siiyo waxa ay doonayaan oo ahaa 4 xabo oo sigaar ah oo kaliya.
Markii uu diidana ay banaanka u baxeen kadibna ay soo qabteen gabar yar oo 4 sano jir ah taasoo ay yiraahdeen gabadhaan ayaad kufsatay, iyagoo marmarsiyo uga dhiganayay in ay dambi ugu yeelaan muwaadinka Soomaaliyeed, Wax yar kadin ayay bilaabeen in ay boobaan dukaankiisa laakin Ciidamo Boolis ah ayaa isla markiiba soo gaaray balse waxa ay Saldhiga booliska u taxaabeen C/qaadir iyo gabadhii yareyd.
Baaritaan ayaa labadaba lagu sameeyay wax dambi ahna waa lagu waayay C/qaadir waana lasii daayay 30 daqiiqo kadib, Hase ahaatee waxaa halkaasi ka sii socday boobkii oo galaaftay in ka badan 10 dukaan.
Mar aan la xiriiray saldhiga booliska ee magaalada Jeffreysbay ayaa waxaa ay ii sheegeen Saraakiisha halkaas jooga in ay difaacayaan hantida Soomaalida intii awoodooda ah ayna isticmaalayaan xabadaha cinjirka ah iyo sunta dadka kaga ilmeeysiisa iyo xitaa haddii loo baahdo xabado caadi ah oo nool nool.
Waxaan Qadka taleefanka kula xiriiraydhalinyaro Soomaali ah oo halkaasi degan oo uu ka mid yahay milkiilaha dukaanka uu boobku ka bilawday C/qaadir Maxamed, Cabdi Maxamed Faarax iyo C/raxmaan Ibraahim ( Shaahle ) waxa ayna ii xaqiijiyeen in aysan jirin wax dhimasho ah ama dhaawac ah.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo dhibaatooyin dhac, dil iyo dhaawacba leh loo geysto dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan, xaaladda amaankuna gacanta ayay ka sii baxeeysaa oo 10 maalmood gudahood ayaa dilka Soomaalida loo geystay waxa uu marayaa 5 ruux oo dhamaantood lagu dilay isla gobolka Eastern Cape.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa