Talaado, October 07, 2008(HOL): Dowladda Holland ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay mar kale xeebaha Soomaaliya u direyos Markab dagaal oo ilaalin doona Maraakiibta u kireysan Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Raashinka Mucaawinada ah geeya Soomaaliya.
Markabka ay Dowladda Holland u direyso Xeebaha Soomaaliya oo lagu magacaabo De Ruyters ayaa wuxuu Xeebaha Soomaaliya gaari doonaan dhamaadka bishan, iyadoo kadibna uu bilaabi doono howlgallo uu ku ilaalinayo Maraakiibta WFP.
Warkan oo uu sii daayay Raadiyaha Holland ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Markabkan uu yahay midkii labaad oo sanadkan gudahiisa ay Dowladda Holland u dirto Soomaaliya, waxaana horay xeebaha Soomaaliya uga howlgalay Markab kale oo ay Holland leedahay oo lagu magacaabo Evertsen, kaasi oo ilaalinayay Raashinka gargaarka ee WFP intii u dhaxeysay bilihii April iyo June ee sanadkan.
23-ka bishan Oktoobar ayaa waxaa ku eg muddo ay Dowladda Canada u qabatay in uu ilaaliyo Raashinka WFP Markab dagaal oo ay leedahay oo lagu magacaabo Ville de Quebecn, kaasi oo muddo labo bilood ka badan ilaalinayay Maraakiibta Raashinka Mucaawinada ah wada ee u kireysan Hay’adda WFP.
Hay’adda WFP ayaa dhawaan waxay ka codsatay Dalalka Midowga Yurub in ay ugu deeqaan Maraakiib Dagaal oo galbiya Maraakiibta Gargaarka Mucaawinada ah geeya Soomaaliya, iyadoo sheegtay in haddii aaney Maraakiibtaas helin ay khatar geleyso nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku tiirsan raashin ay Hay’adda WFP u qeybiso.
Ciidamo ka socday Dowladaha Holland, France iyo Denmark oo saarnaa Maraakiib dagaal ayaa waxay muddo 8 bilood ah ilaalinayeen Maraakiibta u raran WFP ee Dekedaha Soomaaliya raashinka geeya, hayeeshee Ciidamadaas wey ka baxeen Biyaha Soomaaliya markii uu u dhamaaday waqtigii ay ugu talagaleen in ay Xeebaha Soomaaliya joogaan.
Ugu dambeyntiina, baahida keentay in ammaankooda la sugo Maraakiibta Gargaarka Mucaawinada ah geysa Soomaaliya ayaa waxay timid kadib markii ay Kooxo Burcad Badeed ah af-duubteen Maraakiib u kireysnaa Hay’adda WFP, kuwaasi oo raashin mucaawino ah u waday Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia