Madaafiic lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Madaafiic Jawaab ah oo ku dhacday Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley

Cabirka Farta

Sabti, October 04, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo muddo bil ku dhow aaney ka soo degin wax duulimaadyo ah oo rayid ah ayaa maanta waxaa mar kale lagu duqeeyay madaafiic hoobiyayaal ah, xili ay halkaas ka soo degeysay diyaarad u socotay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaas oo sida la sheegay aan wax khasaare ah ka geysan gudaha Garoonka ayaa waxay sababeen in  madaafiic jawaab ah lagu garaaco xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicdaas oo ahaa kuwo culus ayaan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ay ka geysteen meelihii ay ku dhaceen marka laga reebo in ay burbur ugeysteen guryo aaney dad deganeyn oo ku yaala Degmada Dharkeenley.

Dad badan oo ku noolaa Degmada Dharkeenley ayaa waxay ka barakaceen guryahooda kadib markii ay xaafadahooda duqeyn ku bilaabatay, iyadoo duqeyntaasna ay ka dambeysay dhowr jeer oo madaafiic lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-huko oo wax laga weydiiyay in ay ka dambeeyeen duqeyn maanta loo geystay Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ayaa wuxuu sheegay in garoonka la duqeeyay balse aysan iyagu wax madaafiic ah tuurin, “Diyaarad ayaa ku soo degtay garoonka, sidii beryahanba dhaceysayna waxaa garoonka lagu soo tuuray madaafiic aan wax khasaare ah geysan”ayuu yiri Major Bridgye Bo-huko oo intaas ku daray in aysan jirin wax madaafiic ah oo ay ciidamadooda uga jawaabeen madaafiicdii garoonka lagu soo tuuray.

Madaafiicda lagu tuuro garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa u muuqda kuwo u wareegay dhinaca Degmada Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir, iyadoo horay looga tuuri jiray Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa, halkaasi oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom ay dhowr jeer ka geysteen duqeyn ay dad badan ku dhinteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia