Sabti, October 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saaka waxay ku dileen gudaha magaalada Baydhabo Taliyihii Ciidamada Nabad-sugidda Magaalada Baydhabo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Xasan Cali (Ibraahim Kuweyt).
Dad ka dhawaa halkii lagu dilay taliyaha oo ahayd gudaha Suuqa Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in ay dilka taliyaha ka dambeeyeen rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo baxsaday kadib markii ay dilka geysteen.
Dilka loo geystay Taliyahaas iyo weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay magaalada Baydhabo ka dhigeen mid uu xaalkeeda kacsan yahay, waxaana gudaha magaalada gaaf-wareegaya ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saraakiil badan oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo qaabilsanaa nabad-sugidda ayaa horay loogu dilay magaalada Baydhabo,waxaana weli sii socda dilalka loo geysanayo saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Ma jirto ilaa iyo haatan wax tallaabo ah oo uu maamulka Gobolka Bay ka qaaday falalka amni darrada ah ee ku soo badanaya magaalada Baydhabo, marka laga reebo in mas’uuliyiinta maamulkaas ay jeediyaan ballanqaadyo ku saabsan in ay wax weyn ka bedeli doonaan amni darrada ka jirta magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia