Waa maxay u jeedada ka dambeysa Bandowga xiliga habeenkii saaran Magaalada Beledweyne?

Cabirka Farta
Sabti, October 04, 2008(HOL): Marka la gaaro 9:30 Fiidnimo xiliga habeenkii dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne waa kuwo iska sii xaadiriya hoygooda kadib markii Mas'uuliyiinta Midowgga Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca Nabad-galyadu sheegeen labo maalmood ka hor in Magaaladu tahay Bandow.
 
Lama shaacin sababaha keenay in Maxkamaduhu soo rogaan Bandowga xili Nabad-galyadu tahay mid la isku haleyn karo,  laakiin warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in u jeedada Bandogu tahay kala shaki u dhaxeeya kooxaha gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo marka aad u sii fiirsato Siyaasad ahaan iska soo horjeeda.
 
Tusaale ahaan Xoogagga ka tirsan Midowgga Maxkamadaha oo lagu tilmaami karo awoodda ugu balaaran ee gacanta ku heysa Magaalada ayaa dhowr jeer oo hore Mas'uuliyiin ka tirsan waxaa ay sheegeen in ay jiraan kooxo carqalad ku ah waan waanta iyo geedi-socodka nabadeed ee u dhaxeeya garabyada siyaasadda Soomaaliya, halka garabka kale ee hubeysan (Al-shabaab) kana tirsan xoogagga ku sugan Gobalka uu qabo in la sii wado dagaalka lagaga soo horjeeda Cadowga soo duulay..
 
Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadaha oo maalintii Ciidda isagu ku dhawaaqay Bandowga ayaa u sheegay dadka magaalada in Bandowgu yahay mid looga dan lee yahay xaqiijinta Nabad-galyada taasoo fasiraadyo kala duwan laga bixiyay, waxaana muuqaneysa in dadku markiiba u hogaasamay amarka ka soo baxay Maxkamadaha, walow hadana ay jiraan dad rayid ah oo ka cabanaya dhac xiliyada habeenkii loo geysto goobahooda ganacsi .
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Gobalka Hiiraan oo ka mid ah gobollada ay sida tooska ah gacanta ugu hayaan Xoogagga Islaamiyiinta ayay dad badani is-weydiinayaan sida xaalku noqon doono marka loo qalab qaato dhismaha Maamul ka dhaxeeya Xoogagga gacanta ku haya Gobalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia