Weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, October 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay mar kale weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).

Weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaanan la soo sheegin wax khasaare oo ka soo gaaray dadkii ku sugnaa guriga Guddoomiyaha, hayeeshee waxaa jira dad rayid ah oo ay dhaawacyo ka soo gaareen madaafiic ay is-weydaarsadeen Kooxihii weerarka qaaday iyo ilaaladii joogtay Ciidamo joogay Guriga Guddoomiyaha.

9 ruux oo rayid ah ayaa waxay ku dhaawacmeen Xaafadaha Buulo Hadamo iyo Berdaale ee Magaalada Baydhabo, waxayna dadkaas dhaawacmeen kadib markii iyagoo hurda ay guryahooda ugu tageen madaafiic habow ah.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa weerarkaas kadib waxay tageen Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo nawaaxiga gurigaasna howlgallo ka sameeyay.

Ma ahayn markii ugu horeysay oo weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaado guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo weerarro noocaan oo kale ah lagu qaaday guriga guddoomiyaha Baarlamaanka.

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinka waxaa sii xumaanayay ammaankeeda, waxaana ka dhacayay weerarro lagu qaado guryaha madaxda sare ee Dowladda, kuwa Xildhibaanada, qaraxyo iyo weliba dilal loo geysto saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia