Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka sameeyay Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Sabti, October 04, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgallo ka sameeyeen magaalada Baydhabo oo saacadihii la soo dhaafay ay ka jireen falal nabadgelyo darro ah.

Ciidamadan oo howlgallo ka sameeyay bartamaha Magaalada Baydhabo ayaa waxay howlgalkooda ku soo qabqabteen ku dhawaad 8 ruux, kuwaasi oo la geeyay Saldhigga Booliska Magaaladaas.

Dadka ay Ciidamada qabteen ayaa waxaa ku jira Wariye ka tirsan Idaacad Warsan la yiraahdo oo magaaladaas ku taala, sidoo kalena wararka u diri jiray Idaacadda IQK ee magaalada Muqdisho. Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta ay Ciidamada Dowladda u qabteen Wariyahan.

Howlgalka ay Ciidamadan sameeyeen ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay kooxo hubeysan ay weerarro ku qaadeen Guriga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe, sidoo kalena saaka la dilay Taliyihii Nabad-sugidda Magaalada Baydhabo oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Xasan Cali (Ibraahim Kuweyt).

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinka waxaa sii xumaanayay ammaankeeda, waxaana ka dhacayay weerarro lagu qaado guryaha madaxda sare ee Dowladda, kuwa Xildhibaanada, qaraxyo iyo weliba dilal loo geysto saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia