Aabaha Saxafi Soomaaliyeed oo la af-duuban Wariyayaal Ajnabi oo codsaday in Wiilkiisa iyo Wariyayaasha la xiran la sii daayo

Cabirka Farta

Talaado, October 21, 2008(HOL): Maxamed Cilmi Dheere oo ah Aabaha dhalay C/fataax Maxamed Cilmi oo la af-duuban Wariyayaal u kala dhashay Canada iyo Australia ayaa wuxuu ka codsaday dadka heysta wiilkiisa iyo Wariyayaasha la af-duuban in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo.

Cilmi Dheere waxa uu sheegay in sababta uu hadal saxaafadeedkan u soo saaray ay tahay iyadoo uu helay warar ku saabsan in xaaladda caafimaad ee wiilkiisa iyo Wariyayaasha la af-duuban aysan wanaagsaneyn.

“Waxaan ka codsaneynaa, Culumaa’udiinka, Waxgaradka, Bulshada Rayidka, Saxaafadda gudaha iyo dibadda iyo cid kasta oo gacan-ka-geysan karta sii deynta wariyayaashaas in ay ka qeyb-qaadato sidii ay xoriyaddooda dib ugu heli lahaayeen”ayuu yiri Cilmi Dheere.

Wariyayaashan la heysto oo kala ah C/fataax Maxamed Cilmi (Somalia), Amanda Lindhout (Canada iyo Nigel Bernnan (Australia) ayaa waxaa la qafaashay 23-kii Agoosto 2008, iyagoo xiligaasna u qalab-qaatay in ay warbixinno ka sameeyaan dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku nool inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia