Talaado, October 21, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalkaas oo madaafiic culus la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu qarxay kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Dhismaha Warshaddii Xeyla Bariise ay howlgallo ka bilaabeen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, kadibna ay dagaal kala hor-yimaadeen Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka dhashay, marka laga reebo madaafiic ku dhacday guryo ay dadkii deganaa ka barakaceen, kuwaasi oo uu burbur ka soo gaaray madaafiic ka soo dhacday xeryaha ay Ciidamadaas ku sugnaayeen.
Dad faro-ku-tiris ah oo ku sugnaa Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa markii uu dagaalka bilowday waxay u carareen dhinaca Deegaannada Waxar-cadde iyo Gubadley, iyagoo ka baqayay in ay waxyeello ka soo gaarto dagaalkaas.
Degmada Huriwaa ayaa waxay noqotay meesha ugu badan ee ay ka dhacaan dagaallada dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya iyo Xoogagga ka soo horjeeda, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay ku yaalliin labo fariisin oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia