Shilal Baabuur oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose

Cabirka Farta

Talaado, October 21, 2008(HOL): Deegaanno ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa xalay ka dhacay shilal baabuur, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii baabuurtaas saarnaa.

Gaari ka tegay Magaalada Muqdisho oo ku sii jeeday Gobollada Dhexe ayaa mar uu sii marayay nawaaxiga Tuulada Caddow Uul ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu ka baxay Wadadii uu ku socday, kadibna waa uu rogmay.

Mid ka mid ah Dadka Deegaanka Caddow Uul ayaa sheegay in gaarigaas uu rogmaday kadib markii Darawalkii gaariga kaxeynayay uu hurdooday, wuxuuna intaas ku daray in ay shilkaas ku geeriyoodeen 5 ruux oo uu canug yar ku jiray, halka ay lix ruux oo kalena ku dhaawacmeen.

Dadka shilkaas baabuur ku geeriyooday ayaa waxay hoosta u galeen gaariga iyo alaab ku rarneyd, waxaana lagu guuleystay in laga soo saaro, kadib markii ay u soo gurmadeen dad ku dhaqan Tuulooyinka Koogaar iyo Caddow Uul oo u dhow halka uu shilka ka dhacay.

Shil kale oo Baabuur ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna shilkaas ku dhacay Gaari ay saarnaayeen dad qax ka ahaa dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramay in uu shilkaas sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca in ka badan 10 ruux oo kale.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Degmada Baraawe, halkaasi oo haatan lagu daweynayo, iyadoo la sheegayo in bukaannada qaarkood ay qabaan dhaawacyo jabniin ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shilalka Baabuurta ayaa la sheegaa in ay sababaan Waddooyinka oo burbursan iyo darawallada Baabuurta safarka kaxeysa oo ah kuwo aan xil-kas ahayn oo hadana ay ku yar tahay aqoonta darawalnimada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia