Milkilayaasha Gaadiidka Xamuulka oo ka biyo diidan lacag ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, October 21, 2008(HOL): Milkilayaasha  Gaadiidka Xamuulka ah ee ka shaqeeya Dekedda Muqdisho ayaa waxay ka biyo diideen lacag ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen in ay tahay mid aad u badan oo hadana aan qaab sharci ah ku soconin.

Gaadiidleyda ayaa shalay loo geeyay qoraal la sheegay in uu ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda, kaasi oo uu ku qornaa in Gaari kasta oo Dekedda ka shaqeeya laga doonayo 50$, taasina waxay keentay in ay Gaadiidleyda gadoodaan, isla markaana ay diidaan in ay Dekedda wax rar ah ka soo qaadaan.

Maamulka Dekedda Muqdisho waxaa ay sheegeen in aysan wax lug ah ku lahayn lacagta gaadiidleyda lagu soo rogay, waxayna sheegeen in ay kaliya fulinayaan Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Dekedda Muqdisho-na waxay sheegayaan in Wasaaradda Maaliyadda ay ka laabatay go’aankii ay dooneysay in ay lacagta uga qaaddo Gaadiidleyda, iyadoo Gaadiidleydana lagu wargeliyay in ay shaqo joojinta ka baxaan oo markaasina ay  howshooda sii wataan.

Laakin Hor-joogaha Gaadiidleyda Dekedda Muqdisho oo lagu magacaabo Cadceed Cismaan Shuuriye ayaa sheegay in aysan dooneynin in ay shaqo bilaabaan iyagoo aan jawaab ka helin Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay u direen qoraal ay uga cabanayeen Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Howlihii Dekedda Muqdisho ayaa waxay hakad ugu jiraan shaqo joojinta ay sameeyeen Gaadiidleyda, kuwaasi oo ka biyo-diiday in ay bixiyaan lacagta lagu soo rogay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia