Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka heesay Xaflad lagu furayay Idaacad ay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ka furatay Magaalada Nairobi

Cabirka Farta

Khamiis, October 02, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa wuxuu ka heesay Xaflad loo qabtay Idaacad ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ka furatay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Xafladda oo ay ka qeybgaleen Dadweyne aad u fara badan, Ganacsato iyo Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Tahliil Warsame, Khadiijo Foodey Nuur, Fannaaniinta Dhalinta Waayaha Cusub iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya qudhiisa oo Fannaan soo ahaa ayaa waxaa si toos ah u daadihinayay min Islii ilaa London Qaar ka mid ah Wariyayaasha BBC-da ee kala ah Axmed Xasan Cowke, C/risaaq Xaaji Catoosh iyo Daa’uud Aweys.

Intii ay Xafladda socotay ayuu Wariye Axmed Xasan Cowke cod-baahiyaha ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Daxla, isagoo welibana ka codsaday in uu xafladda ka heeso, uuna ku luuqeeyo Heestii uu caanka ku ahaa ee Shankaroon Haweenkaay, laakin Prof. Dalxa waa uu ka cudurdaartay.

“Inkastoo ay heesaan Madaxda Dalka Kenya, hadana Annaga kuweena ma heesaan, laakin maanta waa in aan iska bareejeynaa, waxaanse idiin sheegayaa ma joogno waqti hees jaceyl ah la qaado oo waad ogtihiin sida uu dalkeena yahay”ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay in uu ku luuqeynayo hees  Wadani ah oo halku dhiggeedu yahay Taariikhda Dunida.

Taariikhda Dunidaa
Iyadoo is-daba-taal
Midba meel ku tuurtee

Aniguna tusmeystoo
Khyerkey halkuu tegay
U tabaabusheystee

I taageer Allahayow
Arrinteydan kala taal
Adaa toosin karayee.

Ugu dambeyntiina, Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo maanta Idaacad cusub ka furatay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya  waxay Dalka Soomaaliya iyo Dalalka la deriska ah ku leedahay ku dhawaad 10 laamood, kuwaasi oo si toos ah looga dhegeysto Idaacadda BBC-da, gaar ahaan Afafka ku baxa Ingiriiska, Carabiga iyo Soomaaliga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia