Sarkaal ka tirsan Hay’adda Bad-mareenada Bariga Afrika oo loo xiray sabab la xiriirta in uu xiriir la leeyahay Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya

Cabirka Farta

Khamiis, October 02, 2008(HOL): Booliska Kenya ayaa saaka wuxuu xafiiskiisa oo ku yaala Magaalada Mombasa ka kaxeystay Andrew Mwangura oo ah Madaxa Hay’adda Bad-mareennada Bariga Afrika, kaasi oo su’aalo laga weydiinayo raad burcad badeednimo oo soo galay.
 
Sarkaalkan ay Ciidamada Booliska Kenya su’aalaha weydiinayaan ayaa waxaa loo heystaa in uu sameeyay warar uu ku buun-buuniyay Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida,  waxyaabaha loo heystana waxaa ka mid ah in uu sheegay in Markab Saanad Mileteri wada oo Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ay heystaan uu u socday Koofurta Sudaan.

Tan iyo intii ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ka dilaaceen Xeebaha Soomaaliya wuxuu sarkaalkani ahaa qofka ugu horeeya ee sheega in Markab ama Doon ku socdaalayay Xeebaha Soomaaliya ay Kooxo Burcad Badeed ah qafaasheen, isagoo kadibna soo tebin jiray in Kooxahaas ay lacag madax-furasho ah dalbanayaan.

Wasiirka Axmed Siciid Aw-nuur oo mar sii horeysay ka hadlayay dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ku hayaan Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay Andrew Mwangura in uu xiriir la leeyahay Kooxaha Burcad Badeedka, isla markaana uu isku xiro Kooxahaas iyo Dowladaha Maraakiibta laga qafaasho.

Andrew Mwangura oo qudhiisa ka hadlay arrimaha Burcad Badeedka Soomaaliya wuxuu isna Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ku eedeeyay in  uu xiriir la leeyahay Kooxaha Burcad Badeedka, iyadoo Shiikh Yuusuf-na uu arrintaas beeniyay, isla markaana sheegay in uu isaga horay ula dagaallamay kooxaha Burcad Badeedka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia