Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay tirada Ardayda ay u qaateen hawsha Diiwaangelinta

Cabirka Farta

Khamiis, 02 October 2008 (HOL): Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Ismaaciil (Kabawayne) ayaa sheegay inay shaqaale ahaan u qaateen 720 qof iyo 40 kayd ah oo ka mid ah dadkii Imtixaanka laga qaaday Sabtidii la soo dhaafay, isla markaana ay soo dhajin doonaan liiska magacyadooda Sabtida soo socota.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in guud ahaan Gobolada dalka uu komishanku u xilsaaray ollolaha wacyigelinta Ururada wadaniga ah iyo warbaahinta kala duwan ee Somaliland, isla markaana waxa uu xusay inay kula xisaabtamayaan cid kasta hawsha ay ku heshiiyeen hirgelinteeda. “Ilaa 720 iyo 40 kayd ah ayaanu dalka uga baahnayn, intiibana waananu xulanay. Waananu dhamaysanay, ilaa Sabtida ayaananu soo dhejinaynaa, talefoonana waa u diraynaa si ay u soo shaqo tagaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranku.

 Isaga oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay jireen dad aan ku jirin liiskii loogu talogalay inay imtixaanka galaan ay u fadhiisteen imtixaankii, waxa uu yidhi, “Adeeraw waxa weeye marka aanu shaqaale qaadanayno ama aanu qandaraas bixino cid ayuunbaa ku guulaysanaysa, markaa ciddii waydaa maaha inay tidhaahdo waa la iga eexday. Meeshan waxa yaala hawl qaran, balse dadkii waxay moodayaan inay iska taalo uun lacag la iska qaadanayaa.” Mr. Maxamed Ismaaciil oo ka hadlayay sida ay u socdaan hawlaha wacyigelinta diiwaan-gelintu wuxuu sheegay in NGO-yada ku guulaystay ay jiraan kooxo dabagalaya oo warbixino ka soo qoraya waxa ay qabteen, isla markaana iyaga laftoodu ay Guddiga komishanka u keenayaan warbixinaha wax-qabadkooda, dabadeedna lagula xisaabtami doono.

Mar wax laga waydiiyay Guddoomiyaha cabasho gaar ah oo ka timi Gobolka Sanaag iyo in aanu helin saamigiisii Ardayda Jaamacadaha ama tiradii shaqaale ee uu Gobolkaasi xaqa u lahaa. “Waxa weeye, malaha waanad ka warhayne waa loo qoray oo way heleen saamigoodii.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland