Khamiis, October 02, 2008(HOL): Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dersay cabsi iyo wel wel salka ku haya madaafiic ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom ay ku duqeeyaan Suuqaas kagadaal marka Xarunta Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay madaafiic ku tuuraan.
Dhowr jeer oo hore oo ay Ciidamadaas madaafiic ku duqeeyeen Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa halkaas ku geeriyooday dad aad u badan oo goobahooda ganacsi joogay, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kuwo kale oo aan iyana waxba galabsan.
Waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aaney jirin dad badan oo Suuqa u tegaya in ay wax ka soo iibsadaan, waxayna ganacsato yar oo Suuqa ku haray ay yihiin kuwo u dheg-taagaya diyaarado si qarsoodi ah uga soo dega garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaasi oo ay inta badan Madaafiic ku tuuraan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa jira warar aan sugneyn oo ay mararka qaarkood soo tebiyaan dad doonaya in Suuqa lagu kala cararo, kuwaasi oo sheegaya in Diyaarad ay ku soo degatay Garoonka Diyaaradaha Madaafiicna lagu tuuray.
Markaas oo kale waxaa dhacday in inta badan Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay isaga cararaan iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto madaafiicda lagu garaaco Suuqa Bakaaraha marka la weeraro Garoonka Diyaaradaha.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa haatan wuxuu u muuqdaa mid uu sii yaraanayo dhaqdhaqaaqiisa ganacsiga, waxaana taas ugu wacan bartilmaameedka uu u noqday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ee gacanta siinaya, kuwaasi oo Suuqa duqeeyay kadib marka ay madaafiic ku weeraraan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia