Khamiis, October 02, 2008(HOL): Maareeyaha guud ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne Shiikh Xuseen Cismaan Mubaarak ayaa mar uu la hadlayay qaar ka mid ah Warbaahinta waxaa uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya Garooonku yahay mid furan isla markaana ay soo caga dhigan karaan dhamaan duulimaadyada.
Shiikh Xuseen Mubaarak waxaa uu si gaar ah carabka ugu dhuftay Diyaaradaha Hay'addaha Samafalka oo tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka aan adeegsan Garoonka “Hadii mar hore Hay'aduhu ay uga baqeen adeegsiga Garoonka sababo dhinaca Nabad-galyada ah, hadda xaalku sidaas waa uu ka duwan yahay oo Garoonku waa amaan” ayuu yiri Shiikh Xuseen.
Waxaa kaloo uu sheegay Maareeyuhu ammaanka Garoonka Diyaaradaha in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Midowgga Maxkamadaha mana jiri doonto ayuu yiri cid kale oo caqabad ku noqon karta habsami u socda howlaha Garoonka.
Hadalka ka soo yeeray Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa u muuqda mid sii adkeynaya hadal uu horay uga sheegay Warbaahinta Guddoomiyaha Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo sheegay in dhaman duulimaadyadu adeegsan karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne inta uu xiran yahay ayuu yiri Garoonka Magaalada Muqisho
Tan iyo wixii ka dambeeyay dagaaladii is xig xigay ee ka dhacay qeybo ka mid Gobalka Hiiraan oo ay ka mid tahay Degmada Beledweyne howlaha Garoonka Diyaaraduhu waxaa ay ahaayeen kuwo gaabis ku socda, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore Garoonka lagu duuray Hobiyayaal aan la ogeyn cid ka danbeysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo sheegay in wixii hada ka danbeeya Dulimaadyada Hay'aduhu adeegsan garaan Garoonka
Cabirka Farta
More News
- Ururka cayaaraha heerka 1aad ee Sweden oo ka tanasulay tartankii kubadda cagta ay tobanka sanadood maamulayeen.
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka heesay Xaflad lagu furayay Idaacad ay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ka furatay Magaalada Nairobi
- Madaxweyne Rayaale oo hambalyo ugu jawaabay Madaxweynaha Jabuuti
- Muxuu Sucuudigu ugu diiday Guddoomiyaha UCID Dal-ku-galka Cimrada?
- Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay tirada Ardayda ay u qaateen hawsha Diiwaangelinta
- Sarkaal ka tirsan Hay’adda Bad-mareenada Bariga Afrika oo loo xiray sabab la xiriirta in uu xiriir la leeyahay Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya
- Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa rajo ka muujisay hakinta Sicir bararka ka jira Deegaannada Puntland
- 8 Dal oo Yurub ah oo isu baheysanaya in ay la dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya
- Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo cabsi iyo wel wel ku ganacsada
- Dil iyo Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo