Axad, 19 October 2008 (HOL): Madaxweyne-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, ahna Guddoomiyaha SNM, ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo dakhli-yaraanta soo wajahday Xukuumadda, waxaanu walaac ka muujiyey Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland. Isaga oo sheegay in aan la sugi Karin tirada dhabta ah ee reer Somaliland ee loo baahnaa inay is-diiwaangeliyaan, maadaama ay badankoodu yihiin reer-guuraa. Waxaanu ku dhaliilay Xukuumadda musuq-maasuq baahay, kaas oo uu sheegay in uu sababay in dakhligii dawladdu is-dhimo.
Muj. Xasan Ciise wuxuu dadweynaha reer Somaliland kula dardaarmay in la ilaaliyo ammaanka iyo hab-socodka Doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan bisha March ee 2009, isla markaana aanay noqon maxsuulkoodu sidii kuwii Kenya. “Wallaalayaal doorashooyinkan soo socda haddi la isla gaadho ha laga illaaliy inay noqdaan doorashooyinkii Kiiniya oo kale, ama doorashooyinkii Zembabwi ama ta Angoola oo kale, oo wadamada Carabta iyo dawladaha Islaamka qaarkood doorashooyinkooda oo kale ha laga illaaliyo, oo Xisbiyada kaw aan illaalino, dad yahaw iyo SNM iyo Mujaahidiintuba arrintaa aan gaadh ka hayno.” Ayuu yidhi Muj. Xasan mar uu ka hadlayay Xus loo sameeyay maalinta Shuhadada SNM ee 17-ka October oo la xusay shalay.
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sababta oo ah haddii ka kursiga ku fadhiyaa uu yidhaahdo, sida hore uga dhacday meelahaa aan soo sheegay ilaw iyo ilaw waa inaan soo noqdaa, gar iyo gar-daraba aan u soo noqdaa, oo macneheedu yahay waa inaan ku shubtaa, oo anigaa dawlada kursigeedii ku fadhiya, shaqaalahaygii ayaa doorashooyinka ka shaqaynaya, Wasaaradihii, Wasiiradii, wax kasta, qasnadii waatan haawanaysa oo meelo kale ayaanu ka samaynaynaa. Markaa waa inaan soo noqdaa oo aan la iga helin, haddii uu kaasi yidhaahdo, kii Mucaaradka ahaa iyo Xisbiyadii kalena ay yidhaahdaan waa inaanu helaa haddii kun ku muslimayaan kuna ku kufriyayaan waa inaanu helaa, maxaad u malaynaysaan markaa, dee imtixaan culus ayaa la galayaa oo markaa la kala garqaadan maayo ay sidaa noqoto.”
Xasan Ciise waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay in ay tahli kari wayday in ay abaabusho roob-doon dalka oo dhan ah waqti xaadirkan. “Bal eeg Madaxda Afrikaanka oo kuweenu ka mid yihiin sida aanay dalkooda ugu damqanayn..Aduunka wax culus baa ka taagan illaahay ha inooga sahlo’e, halkan ayaynu taaganahay oo aynu sicir-barar iyo wax hadal haynaa, Abaaraa ina haysta dawladeenu sida aanay weji dadka ugu lahayn Alla bari roob doon ah ayay qabanqaabin kari la’dahay, halkaas sidan loo fadhiyi maayo haddii reer Miyigii reer Somaliland daaduun ku yimaado magaaladda. Daaduun bay ku dhawday ummadii Somaliland, laba boqol ku dhawaad ayaa jira aduunka, dad iyo dal nabadgalyo haysta oo ka liita Somaliland ma jiro, lana soo heli maayo, waxaasina waxa weeye dawlad la’aan, maamul-xum iyo dawlad xumo.” Ayuu yidhi Xasan Ciise.
Waxa kale oo uu Muj. Xasan Ciise ka hadlay arrinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka oo uu sheegay in aanay u hirgeli Karin sidii loo baahnaa, isla markaana ay caqabadi ka dhalan karto haddii uu qofka is-diiwaangeliya oo kaliya uu awood u yeesho inuu codeeyo. “Markaan ku soo noqdo arrintii diiwaan-gelinta dadka reer Somaliland reer Guuraa reer Miyi ah ayay u badan yihiin meel joogta ah malaha, kolba meel ayay degayaan, Itoobiya ayay u badan yihiin imika oo waa la ogyahay. Markaa marka la leeyahay qofka is diiwaan-geliya ayuun baa codaynaya yaan saa la odhanin ee halaga daayo, oo shisheeyihiina aduun lagaga qaadanayo, haba lagaga qaato’e laakiin aynu ugu talagalo oo yaynaan shuruurdkaga dhigin la codayn maayo, kuwa Miyigu haleeliba maayaan is diiwaan-gelin.” Ayuu yidhi Muj, Xasan.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay dakhliga Xukuumadda ee la sheegay in uu is-dhimay oo uu sheegay in ay sabab u ahayd musuq-maasuq baahay. “Maalin dhexdaas ah ayaan Jaraa’idka ka akhriyay qolyahaa Wasiirada ah ee dawlada oo Guddi la saaray oo la yidhi, Qasnadii dawlada ayaa haawanaysa ee Guddiyeey ka soo taliya, sidii dakhli cusubi dawlada qasnadeeda ugu soo dhici lahaa, oo maxaa ku dhacay qasnadii dawlada? Waxaan idhi dee haddii qasnadii dawladu ay haawanayso Jeebadahooda ha la baadho, meel kale ma jirto’e Jeebadahooda ka baadha. Mee Biriishkay ku sameeyeen, haddii wax lagu qabtay, mee wixii kale ee lagu qabtay, maye Warshadihii lagu dhisi lahaa, maye Iskuuladii lagu dhisi lahaa, waddooyinkaa lagu dhisi lahaa, Cusbitaalada ayaa lagu dhisi lahaa, waxaasina ma jiraan oo waxba laguma qaban..Madaxda Afrikaanka, Madaxda Carabta iyo Madaxda Islaamku waxay garan waayeen, horta qayrkood ayay la qabaane, waa mid subxaanalla Madax ummadeed markay xaaraanta iyo xalaashu iskaga qaldamaan ee ay kala garan waayaan, waa imtixaan culus, waxaynu-se Illaahay ka baryaynaa inuu inaga gudbiyo, waanu inaga gudbin doonaa Insha Allaahu tacaalaa.” Ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise Jaamac.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland